Daafaca Brazil David Luiz ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay sugi la’ yihiin suurtogalnimada ay ku wajihi karaan Spain koobka Qaaradaha. Labada xul ayaa guulo ku bilowday sannadkan koobka Qaaradaha, iyadoo 14 sanadood laga joogo kulankii ugu danbeeyay ee labadaan xul, 26 jirkaan ayaa aaminsan in koobkaan uu noqon…
Daafaca kooxda Barcelona Carles Puyol ayaa qaliin looga sameyn doonaa jilibka midig taasoo ka dhigeysa inuu garoomada ka maqnaan doono muddo seddex ilaa afar isbuuc ah sida ay xaqiijisay kooxda reer Spain. 35 jirkaan reer Spain ayaa xaliinka lagu sameyn doonaa maanta oo arbaco ah, isagoo dhaawacyo la dhibtoonayay sannadkii…
Tababaraha xulka Russia Fabio Capello ayaa qarka u saaran inuu heshiis u saxiixo kooxda heysata horyaalka Ligue 1 Paris Saint-Germain, sida ay warinayaan saxaafada Faransiiska. Labada jaraa’id ee ugu waa weyn France l’Equipe iyo Le Parisien ayaa sheeganaya in 67 jirkaan Talyaaniga ah inuu ku dhow yahay inuu hogaanka u…
Daafaca kooxda Valencia ee Adil Rami ayaa u sababeeyay sababta uu u doonayo in uu kooxdaas reer Spain uu ka huleelo ay tahay iyadoo Valencia ay ka tagayaan sanad waliba ciyaartooyda ugu fiican kooxda isla markaana aan la keeneyn badelkooda , isaga oo xusay in kooxdaan uu la sii joogayo…
Xulka juunyeerka Spain ayaa difaacday koobka qaramada Yurub ee ciyaartoyda da’dooda ka yar tahay 21 jirada ka dib markii ay 4-2 ugu awood sheegteen xulka juunyeerka Italy ciyaar indho qabad laheyd oo ku dhexmartay Qudus. Spain ayaa hogaanka ciyaarta u qabatay daqiiqadii 6aad ka dib markii karoos uu soo dhigay…
Xiddiga garabka kubadda uga qaabeeya kooxda Arsenal ee Bacary Sagna ayaa xusay in uu ku faraxsan yahay in uu diiday in uu ka huleelo Arsenal uuna door biday in ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale uu la sii joogo wiilasha Wenger . Bacary Sagna ayaa hishiiskiisa haatan ee Arsenal…
Warbixin ay ka soo xigatay jariiradada Marca ayuu xiddiga Barcelona ee Fabregas ku sheegay in arin laga bad badiyay ay tahay in Gareth Bale lagu bixiyo hishiiskiisa aduun gaaraya 100-milyan oo euro. Gareth Bale ayaa si weyn loola xariirinayaa kooxda Real Madrid halka dhawaan ay loolanka laacibkaas ku soo biirtay…
Weeraryahanka kooxda Liverpool Andy Carroll ayaa tijaabaada caafimaadka u maraya West Ham ka hor inta uusan si joogta ah heshiis 15 milyan ginni ugu biirin. 24 jirkaan oo 35 milyan ginni ugu fadhiyo Liverpool ayaa amaah ku joogay West Ham xilli ciyaareedkii hore isagoo u dhaliyay 7 gool 24 kulan…
Xulalka Australia, Iran Iyo Korea ayaa kula biiray xulka Japan xulalka sida rasmiga ilaa iyo haatan ugu soo baxay koobka adduunka ee ka dhacaya Brazil sannadka soo socda. Australia ayaa booskeeda Koobka Adduunka xaqiijisatay ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka Ciraaq oo Grou 2 ay kuwada jireen iyagoo…
Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Ethiopia Sahilu Gebremariam ayaa qirtay in xulkiisa ay isticmaleen ciyaaryahan ganaax ahaa kulan ka mid ah isreebreebka koobka adduunka qaarada Africa. FIFA ayaa ku dhawaaqday axadii inay dacwad ka fureen Ethiopia madaama ay 8dii June kulan ay la ciyaarayeen Botswana ay isticmaaleen ciyaaryahan ay aheyd inuu…