Madaxda kooxda Juventus ayaa caga dhigtay caasimada Spain si ay u sii wadaan wadahadalada ay kula jiraan weeraryahanka kooxda Real Madrid Gonzalo Higuain. Xiddiga reer Argentina ayaa ka mid ah weeraryahanada ay raadineyso kooxda heysata horyaalka Serie A xagaagan, agaasimaha guud ee kooxda Bianconeri Beppe Marotta iyo agaasimaha Isboortiga Fabio…
Sida uu sheegayo bogga Talk Sport Man United ayaa isku dayeysa todobaadyada soo socda in Inter Milan ku qanciyaan in ay ka kaaftoomaan daafacooda reer Itay ee Andrea Ranocchia sida uu dalbaday tababare David Moyes. laacibkaan 25-sano jirka ah ayaan Inter kula soo muuqan heer ciyaareed wanaagsan maadaama dhaawacyo ay…
Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa filanaya in xiddiga kooxda Luis Suarez inuu sii joogi doono Anfield xilli ciyaareedka soo socda. Markii uu Rodgers yimid Anfield xagaagii hore, mid ka mid ah howlihii ugu muhimsanaa ee u yiilay waxa ay ahaayeen inuu kooxda ku sii hayo xiddiga reer Uruguay. Waana…
Agaasimaha kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay inay kooxda xiiseyneyso inay Turin keento xagaaga Gonzalo Higuain iyo Stevan Jovetic. Warar ka imaanaya Italy ayaa soo jeedinaya in Bianconeri ay wakiilo u dirtay caasimada Spain si ay wadahadalo u la galaan Real Madrid oo ku aadan weeraryahankooda Higuain ka dib markii…
Sir Alex Ferguson ayaa isku dayay inuu isku bedesho Wayne Rooney iyo goolhayaha Manchester City, sida lagu sheegay warbixin la yaab leh oo ay maanta qortay Daily Mirror. Warbixintan oo maanta saarneyd bogga hore Daily Mirror ayaa sidoo kale sheeganeysa in Wayne Rooney uusan codsan in la iibiyo islamarkaana uu…
Weeraryahanka Chelsea Romelu Lukaku ayaa carabka ku adkeeyay in mustaqbalkiisa uusan ku jirin gacantiisa iyadoo laacibkaan uu u diyaar garoobayo in uu ku laabto Chelsea ka dib muddo amaah ah oo uu ugu joogay kooxda West Bromwich oo uu si weyn ula qabsaday. Ilo wareedto ayaa sheegaya in West Bromwich…
Goolhayaha kooxda Fulham Mark Schwarzer ayaa u gacan haatinaya in ay u muuqaneyso in maalmihiisii Fulham ay sii dhamaaneyso maadaama maamulka ay iska indho tirayaan in hishiis cusub ay siiyaan xilli midkiisa haatan uu dhamaanayo bilaawga bisha dambe. Goolhayahaan 40-sano jirka ah ayaa shabakada Sky Sports ka yiri ” waxaan…
Sida wargeyska La Stampa ee ka soo baxa Talyaaniga uu qorayo kooxda Arsenal ayaa dalab rasmi ah u dirtay kooxda Fiorentina iyaga oo ka doonaya in ay ka helaan xiddigooda weerarka ka ciyaara ee Stevan Jovetić. Laacibkaasi 23-sano jirka ah ayaa xilli ciyaareedkaan soo bandhigay heer ciyaareed aad u sareeya…
Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo Roberto Lewandowski iyo Isco xagaagan, inkastoo ay u muuqdaan inay ku sii jeedaan meelo kale. Warar dhawaan soo baxayay ayaa sheegayay in xiddiga Malaga Isco inuu heshiis hordhac ah kula jiro Manchester City kuwaasoo diyaar la ah inay bixiyaan…
Halyeeyga Real Madrid Raul ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay labo jeer isku dayday inay la soo wareegto balse uu iska diiday inuu u dhaqaaqo Calatans isagoo rabin inuu u ciyaaro kooxda ugu weyn ee Madrid ay xafiiltamaan. Qabiirkan dhanka weerarka ah ayaa ku dhawaad mustaqbalkiisa ciyaareed oo dhan…