Sidii aan hore idinkaga balan qaadnay maalin kasta oo arbaco ah waxaan idiin soo gudbin doonaa jawaabta su’aashii todobaadkan iyo kala sareynta akhristayaasheena ku tartamaya. Su’aashii jimcaha ayaa waxaa ka soo jawaabay akhristayaal badan, qaar hogaanka ayay weli xajisanayan, qaar kalena fadhiga ayay ka soo kaceen oo ay ku daba…
Tartan K/cagta oo ay ka qeyb galayeen ilaa sideed kooxood ayaa shalay galab lagu soo gaba gabeeyay Garoonka K/cagta ee Horseed, oo ay ku wada ciyaareen labo kooxood oo isugu soo baxay Finalka. Kooxaha Horseed Star iyo kooxda FC Nasiib oo ciyaartii kama dambeysta ee Finalka isugu soo baxay ayaa…
Shabakada ciyaaraha laacib.net waxa ay akhristayaasheeda meel kasta oo ay joogaan ku leedahay sannad cusub oo wanaagsan, waa maalintii koowaad ee sannadka 2012. Waxaan isla soo qaadanay hadii aan nahay bahda laacib.net sannadkii 2011 oo ahaa sannad aad noogu fiicnaa madaama akhristayaasheena ay naga dhigeen bogga loogu akhriska badan yahay…
Kooxda degmada Dherkenleey ayaa noqotay horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir ka dib markii ay ku guuleysatay koobka degmooyinka, iyadoo hal gool iyo waxba diray kooxda degmada Yaaqshiid. Ciyaar xiiso badan oo final aheyd ayaa galabta waxa ay dhexmartay degmooyinka Dherkenleey iyo Yaaqshiid, iyadoo labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar la jecleysto.…
Jimce wanaagsan akhristayaasha sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan waa barnaamijkeenii Barbaarta Isboortiga Iyo Shabakada Laacib.net oo ah barnaamij su\’aalo oo akhristayaasheena ay ku tartamaan. Barnaamijkaan waxa uu ku jiraa sannadkiisii ugu horeeyay waxaana uu soo dhamaanayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, akhristaha ugu dhibco bata waxa uu heli doonaa abaalmarin,…
Waxaa galabnimada maanta xilliga Soomaliya ka dhici doonta ciyaartii lawada sugayay ee finalka koobka degmooyinka gobolka Banaadir waxaa isaga horimaan doona labada degmo ee aan kala dhicin Yaaqshiid iyo Dherkenleey oo la filayo inay ciyaar xiiso leh ku soo bandhigaan garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho. Muqdisho waa kula qeybsan tahay…
Sidii aan hore idinkaga balan qaadnay maalin kasta oo arbaco ah waxaan idiin soo gudbin doonaa jawaabta su\’aashii todobaadkan iyo kala sareynta akhristayaasheena ku tartamaya. Su\’aashii jimcaha oo ku aadaneyd wararkii todobaadyadii u danbeeyay laga hadlayay ee la xiriira cusuriyada ayaa waxaa ka soo jawaabay akhristayaal badan, qaar hogaanka ayay…
Kooxda degmada Yaaqshiid ayaa u soo baxday finalka koobka degmooyinka gobolka Banaadir oo si xiiso leh uga socday Stadium Banaadir ee magaalada Muqdisho. Yaaqshiida ayaa rigoorayaal kaga gudubtay kooxda degmada Wadajir oo ciyaar adag ay isla galeen, taasoo ku dhamaatay 90kii daqiiqo barbaro gool iyo gool ah. Rigoorayaal ayaa loo…
Degmada Dherkenleey ayaa maanta waxa ay hal gool iyo waxba kaga badisay degmada kulankii semi-finalka degmooyinka gobolka Banaadir, laacib.net ayaa goob joog u aheyd inay idiin soo qaadaan sawiradan: Warbixinta kulankii maanta halkaan riiix…
Ciyaar aad u xiiso badneyd oo xamaasadeeduna ay sareysay ayaa maanta waxa ay ku dhexmartay Stadium Koonis kooxaha degmooyinka Hodan iyo Dherkenleey, waxaana uu kulankaan ahaa semi-finalka koobka degmooyinka gobolka Banaadir. Taageerayaal aad u tiro badan kana mid ahaa kuwii ugu badnaa ee soo xaadira intii uu tartankan socday ayaa…