Croatia ayaa u soo kacday kaalinta 4aad ee kala sareynta xulalka adduunka ee qiimenyta bilaha FIFA, halka xulka Spain ay weli ku jiraan kaalinta 1aad ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka kaalinta 18aad ku jira ee France inkastoo barbaro 1-1 ahna ay kala kulmeen Finland. England ayaa u…
Spain ayaa weli hogaanka u heysa xulalka adduunka ee qiimeynta bilaha FIFA iyaoo weli ka sareeya xulka Germany oo kaalinta labaad ku jira, halka Argentina ay iyadana ku jirto kaalinta 3aad. England ayaa weli baaqi ku ah kaalinta afaraad iyagoo ka sareeya Italy. Colombia ayaa ah xulka labaad ee Yurub…
Orodyahanaka labada bilood ee Olimbikada ku guuleystay Mo Farah asalkiisana Soomaaliga yahay ayaa ka mid ah taageerayaasha ugu caasan ee kooxda Arsenal, waxaana uu maanta wareysi dheer siiyay Eurosport isagoo kaga hadlayay arimo badan oo Arsenal la xiriira. Laacib.net idiin soo tarjunay wareysiigii uu Mo Farah siiyay Eurosport oo u…
Tartan Kubada cagta ah oo loogu magac daray Koobka Nabada oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadaha reer Jowhar ee ku dhaqan UK iyo Sweden ayaa ka furmay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Koobkan oo ay ka qeyb galayaan 17-kooxood oo ah kooxaha ka dhisan Jowhar ayaa waxaa shalay oo…
Xulka Rwanda ayaa u talaabsaday finalka FIBA Afrika Zone 5 ka dib markii ay semi-finalka si dirqi ah kaga badiyeen xulka dalkeena Soomaaliya. Ciyaarta oo aheyd mid xamaasad leh ayaa labada xul ay ahaayeen kuwa si aad ah isagu dhow oo aan farqi weyn u dhaxeynin ilaa dhamaadkii ciyaarta. Xulka…
Xulka kubada kolayga Soomaaliya ayaa maanta wajihi doona semi-finalka FIBA Afrika Zone 5 xulka difaacanaya koobkaan ee Rwanda, iyadoo Soomaaliya ay u jirto kaliya inay gaarto finalka inay Rwanda ka talaabsadaan maanta. Xulka dalkeena ayaa Group B oo ay kula wehliyeen xulalka Kenya iyo Burundi kaga soo baxay kaalinta 1aad…
Xulka kubada kolayga Soomaaliya ayaa u gudbay semi-finalka koobka FIBA Afrika Zone 5 ka dib markii ay 98-80 kaga badiyeen xulka Burundi oo ay kuwada jiraan Group B. Soomaaliya oo Group B ay kula wehliyaan Kenya iyo Burundi ayaa waxa ay garaacday labada xul ee Group-ka kula jira, iyadoo awood…
Xulka kubada kolayga dalkena Soomaaliya ayaa guul muhim ah ka gaaray xulka kubada kolay Kenya ciyaaraha isreebreebka koobka Qaramada Afrika ee kubada kolayga ee FIBA Africa Zone 5 ka dib markii ay ku garaaceen 81-78 dhibcood. Koobkan FIBA Africa Zone 5 oo xulkii ku guuleysta uu u soo baxayo kama danbeysta…
Waxaa la soo gabagabeeyay caws dhigistii garoonka kubada cagta Koonis ee magaalada Muqdisho kaasoo in muddo ah socday. Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay FIFA howsha dhigista cawska macmalka ah ee garoonka Stadio Koonis ee magaalada Muqdisho, waxaana xogahaya guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdi Qani Saciid Carab…
Tababaraha xulka qaranka Soomaliya Abdi Farah Ali oo loo yaqaano Geela ayaa u codeeyay abaalmarinta FIFA Ballon d’Or xiddiga xalay ku guuleystay abaalmarintaas markii afaraad oo isku xigta isagoo ka mid ah tababarayaasha FIFA ku jira ee codkooda dhiibanayay. Tababare Geele ayaa dooqiisa koowaad ee abaalmarinta ka dhigtay Lionel Messi,…