Wakiillo ka socda naadiga ka dhisan dalka Talyaaniga ee AC Milan ayaa la sheegay in dhowaan wadahadalo la yeesheen tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola iyagoo kala hadlay suurtogalnimada in uu noqdo tababaraha naadiga AC Milan. Warkan oo laga soo xigtey AS ayaa lagu sheegay in koox ka mid mas’uuliyiinta…
Naadiga Anzhi Makhachkala ayaa raadin doonta garoon kale oo ay ku martigeliso kulamada gurigeeda ka dhacaya tartanka Europe League kadib markii UEFA ay u garatay in gobolka Dagestan uusan ku habooneyn in lagu qabto kulamada Europa League. Kooxdan Anzhi ayaa u soo baxday kulamada Europe League xilli ciyaareedka soo socda…
Tababarihii hore ee England Sven-Goran Eriksson ayaa sheegay in uu u dooran lahaa David Beckham in uu metelo Great Britain tartanka ciyaaraha Olympic ee 2012. Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda LA Glaxy ayaa shaaciyey toddobaadkii hore in tababaraha Great Britain ee tartanka ciyaaraha Olymbikada Stuart Pearce uu ka door bidey…
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuusan ka tegi doonin kooxda Arsenal si uu ula wareego booska uu baneeyey tababarihii xulka Faransiiska Laurent Blanc. Tababaraha kooxda Gunners ayaa lala xiriiriyey in uu la wareego tababarida xulka dalkiisa kadib markii macalinkii hore ee kooxda Bordeaux uu iska casiley kadib markii…
Tababarihii hore ee kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay kula soo wareegeen daafaca bidxeed ee Jordi Alba. Kooxda Blaugrana ayaa waxa ay si rasmi ah ugu dhowaaqday khamiistii in ay heshiis gaaraya 14 million oo Euro ay kula soo wareegeen daafaca kooxda Valencia taasoo soo afjartay warar…
Ciyaaryahanka reer Ivory Coast Saloman Kalou oo haatan ku sugan dalka Maraykanka ayaa sheegay in uusan weli go’aan rasmi ah ka gaarin mustaqbalkiisa ciyaaraha…
Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa dul dhigey ammaan xad dhaaf ah Mario Balotelli kadib markii uu labo gool oo uu ka dhaliyey xulka Jarmalka ay u suurtogelisay xulka dalka Talyaaniga inuu u soo gudbo ciyaarta finalka ee koobka Euro 2012. Balotelli ayaa waxaa hore loogu yiqiin cunigii dhibka…
Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa dib u soo nooleeyey rabitaankiisii ahaa in uu u wareego dhinaca tababarida. Ruugcadaagan ka mid ahaa xulka dalka Faransiiska ayaa mudadii uu ciyaarayay waxa uu kula guuleystay kooxihii iyo xulka dalkiisa koobab kala gedisan taasina waxa ay ka dhigtey in uu…
Kooxda Porto ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii 26aad ee Portugal ka dib markii kooxda ay xafiiltamaan ee Benfica ay barbaro 2-2 ah la gashay kooxda Rio Ave, waxaana ay taasi keentay in Porto ay iska sii wataan awooda ay 10kii sanno ku heysteen horyaalka dalkaas. Kooxda FC Porto aayaa 2-0 kaga…
Weeraryahanka Atletico Madrid Radamal Falcao ayaa sugi la’ kulanka ay kooxdiisu la yeelanayso Arbacada kooxda hogaanka LaLigaha haysa ee Real Madrid isagoo sheegay inuu jecel yahay inkulankan uu shabaqa kooxda Real Madrid uu gool ku hubsado. Weeraryahankan 26jirka ah ayaa ka dhaliyey xilli ciyaareedkan horyaalka Spain labaatan gool, waxana uu…