Wakiilka ciyaaryahan Dede ayaa xaqiijiyay in kooxaha Milan iyo Liverpool ay xiiseynayaan saxiixa daafaca Vasco da Gama. 24 jirkaan reer Brazil ee daafaca dhexe ayaa soo jiitay kooxo badan oo Yurub ah oo ay ku jiraan Juventus, Liverpool, Valencia, Manchester United iyo Benfica, laakiin waxaa si xoogan loola xiriirinayaa Milan.…
Wargeyska El Mundo Deportivo ayaa ee ka soo baxa Spain ayaa tilmaamaya in xiddiga kooxda Santos ee dalka Brazil Neymar uu u dhaw yaahy in uu ku biiro Barcelona marka xilli ciyaareedkaan uu dhamaado. Sida wargeyskaan uu sheegayo wakiilka laacibkaas ayaa bilaabay wadahaadalo uu la yeelanayo aabaha dhalay Neymar si…
Ciyaaryahan reer Brazil ah ayaa lagu ganaaxay lix kulan ka dib markii uu garoonka ku soo laabtay isagoo aan fasax ka heysan garsooraha islamarkaana uu kubad ka badbaadiyay xariiqda goosha. Daafaca kooxda Bangu Celsinho ayaa dhaawac soo gaaray lagu daweynayay garoonka banaankiisa, iyadoo goolhayaha kooxda Getulio Vargas uu damcay inuu…
Luis Suarez ayaa sameeyay wax kale oo ka baxsan kubada oo muran keenaya ka dib markii uu feer wajiga kaga dhuftay ciyaaryahanka xulka Chile Gonzalo Jara. Dhacdadaan ayaa dhacday markii labada ciyaaryahan ay isku riix riixayeen kooner la soo tuurayay kulankii isreebreebka koobka adduunka ee Chile ay 2-0 kaga badisay…
Sergio Aguero ayaa diyaar u ah inuu dib u soo kiciyo xilli ciyaareedka Manchester City ka dib markii uu sheegay inuu markii ugu horeysay muddo bil ah taam yahay. Gooldhaliyaha kooxda City ayaan ciyaarin tan iyo kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Chelsea ee horyaalka Ingariiska ee dhamaadka bishii hore ka…
Xiddiga kooxda Santos ee dalka Brazil Neymar ayaa si xoogan gaashaanka ugu daruuray in Barcelona u saxiixay hishiis hor dhac ah kaasi oo uu ugu imaanayo kooxdaas marka hishiiskiisa Santos uu soo dhamaado . Wargeyska Sport ee ka soo baxa Spain ayaa shalay qoray warbixin ay ku sheegayaan in Neymar…
Joey Barton ayaa mar kale weerar adag ku qaaday xiddiga reer Brazil Neymar isagoo sheegay in Neymar uu kubada cagta ka yahay sida heesagaa da’da yar Justin Bieber. Ciyaaryahanka khadka dhexe oo haatan amaah ku jooga Marseille ayaa mar kale sheegay in Neymar uu yahay ciyaaryahan laga badbadiyay ka dib…
Wargeyska Sport ee ka soo baxa dalka Spain ayaa xaqiijinaya in naadiga Barcelona ay soo afjareen hishiiska weeraryahanka reer Brazil ee kooxda Santos ee Neymar uuna ku ku biirayo kooxda marka uu u soo dhamaado hishiiska haatan uu kula joogo kooxda reer Brazil . Wargeyska ayaa in tilmaamaya in Neyrmar…
Fred ayaa gooldhaliyay daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta iyadoo Brazil ay ka beenisay Russia guushoodii ugu horeysay ee ay ka gaaraan xulka 5ta jeer ku guuleystay koobka adduunka, iyadoo ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Stamford Bridge ay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah. Viktor Faitzulin ayaa hogaanka u dhiibay xulka…
FIFA ayaa xaqiijisay inay codsi ka heshay xiriirka kubada cagta Costa Rica oo dalbaday in ciyaar ku celis ah la ciyaaray ka dib markii ay ka mudaaharaadeen guuldaradii 1-0 ee jimcihii ka soo gaartay Mareykanka. USA ayaa badisay kulankaas isreebreebka koobka adduunka ah iyagoo uga mahadcelinaya goolka uu dhaliyay Clint…