Xiddiga reer Brazil Neymar ayaa qarka u saaran inuu kala xusho labo dalab oo ay u soo bandhigeen kooxo aan la magacaabin oo ay u badan tahya inay yihiin Barcelona iyo Real Madrid, ka dib markii Santos ay xalay go’aansatay inay iska iibiso. Santos ayaa warkaan ku xaqiijisay xalayto bogeeda…
Kooxda Santos ayaa dalabkii labaad ee ay u soo bandhigto Barcelona soo diiday oo ku aadan saxiixa Neymar, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka kooxda reer Brazil Odilio Rodrigues. Bluagrana ayaa ah kooxda ilaa iyo haatan la cadcad xiisaheeda ku aadan xiddiga reer Brazil, waxaana ay shalayto wadahadalo mar kale…
Lionel Messi ayaa aaminsan in Neymar uu wax cajiib ah ku soo kordhin lahaa kooxda Barcelona hadii uu doorto inuu u dhaqaaqo Camp Nou. Waxaa isbuucyadii u danbeysay la hadal hayay halka uu xiddiga Santos ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo haatan ay Barcelona isku dayayso inay wadahadal…
Madaxweynaha kooxda Santos Odilo Rodrigues ayaa shaaca ka qaaday in Neymar uu xiiseynayo inuu u dhaqaaqo Barcelona. Warar soo baxayay isbuucii hore ayaa soo jeedinayay in Real Madrid ay isku dayayso inay Blaugrana ka afduubato saxiixa da’ yarkaan reer Brazil. Laakiin madaxweynaha kooxda reer Brazil ayaa sheegtay in weeraryahanka uu…
Arsenal ayaa la filayaa inay QPR kala soo wareegto goolhayaha ka sii socda Julio Cesar sida ay qoreyso Daily Mirror. Goolhayaha reer Brazil oo lala xiriirinayay Arsenal ka hor inta uusan ku biirin QPR xagaagii hore ayaa loo sheegay inuu ka tagi karo kooxda heerka labaad u laabatay ee QPR.…
Xiddigii hore ugu guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or Kaka iyo Ronaldinho ayaa labadooda laga saaray xulka Brazil ee xagaagan ka qeybgalaya Confederations Cup. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid iyo weeraryahanka Atletico Mineiro ayaa ka mid ahaa ciyaartoy dhowr ah oo uu ka soo tagay tababare Felipe Scolari. Weeraryahanka Corinthians Alexandre…
Barcelona ayaa xaqiijisay in Lionel Messi uu dhaawac muruqa ah soo gaaray islamarkaana uu garoomada ka maqnaan doono labo ilaa seddex isbuuc. Xiddiga reer Argentina ayaa la bedelay bartamihii qeybtii labaad ee kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Atletico Madrid habeenkii axada, iyadoo laga shaki qabay inuu dib uga dhaawacmay halkii…
Madaxa kooxda Flamengo ee dalka Brazil Wallim Vasconcellos ayaa shaaca ka qaaday in maanta tahay maalintii ugu dambeysay ee Juventus dhameystiri laheyd la wareeggidda laacibka da`da yar ee reer Brazil Mattheus Oliveira si xilli ciyaareedka dambe uga ciyaaro horyaalka Talyaaniga . Juventus ayaa bilo ka hor hishiis la gaartay kooxdaas…
Agaasimaha kooxda PSG Leonardo ayaa laga yaabaa inuu wajaho in kubada cagta laga mamnuuco muddo hal sanno ah ka dib markii ay soo muuqatay inuu kala tuuray garsoore Alexandre Castro ciyaartii ay kooxdiisa PSG barbaraha 1-1 la galeen Valenciennes. Xiddigii hore ee Brazil ayaa si ku meel gaar ah haatan looga…
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Shakhtar Donetsk Fernandinho ayaa albaabada u furay Manchester City xagaagan, inkastoo ay xiiseynayaan kooxo kale oo ka dhisan Yurub, waxaana uu ugu baaqay kooxdiisa inay hoos u dhigaan qiimaha ay dulsaareen. Xiddiga reer Brazil ayaa waxaa si aad ah u xiiseynaya Roberto Mancini laakiin tababaraha City…