Wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa Faransiiska ayaa qoraya in kooxda Monaco ay qorsheynayaan in ay si xooggan ay u galaan suuqa kala wareegga ciyaartooyda iyadoo ciyaartooyda u calaameysan uu soo galay gool hayaha kooxda Real Madrid ee Diego Lopez kaasi oo daaqada kala baxay Iker Casillas tan iyo markii…
Wargeyska Daily Star ee ka soo baxa Ingiriska ayaa soo qoray in tababare Jose Mourinho uu qabanayo hogaanka kooxda Chelsea muddo gaareysa afar xilli ciyaareed . Waxa uu wargeyskaan tilmaamayaa in tababare Jose Mourinho uu qaadanayo ugu yaraan mushaar dhan 15-milyan oo euro oo ah mushaar sanadla ah . Mushaarka…
Isco Alarcon xaqiijiyay wararka sheegaya in wadahadalo ku saabsan mustaqbalkiisa inay socdaan oo u dhaxeeya Malaga iyo Real Madrid. Madrid ayaa lagu soo waramayay inay wadahadalo la bilaabeen xalayto 21 jirkaas, iyadoo madax ka socota Los Blancos ay la kulmeen agaasimaha Isboortiga Malaga Mario Husillos, iyo maamulaha guud Vicente Casado,…
Xiddiga kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa ugu baaqay laacibka kooxda Tottenham Gareth Bale inuu ku soo biiro kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu. Kooxda reer Spain ayaa si aad ah ugu baahan inay la soo wareegto ciyaaryahanka sannadka Ingariiska, kaasoo Tottenham ay ku qiimeyneyso 60 milyan ginni. Waxaana Ramos uu…
Kooxda Santos ayaa dalabkii labaad ee ay u soo bandhigto Barcelona soo diiday oo ku aadan saxiixa Neymar, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka kooxda reer Brazil Odilio Rodrigues. Bluagrana ayaa ah kooxda ilaa iyo haatan la cadcad xiisaheeda ku aadan xiddiga reer Brazil, waxaana ay shalayto wadahadalo mar kale…
Ciyaaryahanka boosaska badan u buuxiya Barcelona Adriano ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda reer Catalan isagoo baaqi ku sii ahaan doono ilaa 2017. Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa u dhaqaaqay Camp Nou 2010kii isagoo ku soo wareegay kaliya 9.5 milyan euro, waxaana uu markaas ka dib boosas badan u ciyaaray Barcelona…
Madaxweynihii hore ee kooxda Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa ka mid ah madaxdii ugu danbeysay ee si xun u dhaleeceeya tababaraha ka sii tagaya caasimada Spain Jose Mourinho, isagoo sheegtay in shaqada Bernabeu inay la weynaatay Mourinho. Kooxda La Liga ka dhisan ayaa xaqiijisay in Mourinho uu ka tagayo dhamaadka…
Daafaca kooxda Barcelona Eric Abidal ayaa la filayaa in isaga iyo kooxda ay shir jaraa’id wada qabtaan isbuuca soo soca oo lagu xaqiijinayo in ciyaaryahanka uu ka tagayo kooxda. Warar soo baxayay maalmihii u danbeysay ayaa sheegayay in 33 jirkaan loo soo bandhigay inuu shaqo maamul kooxda ka qabto xilli…
Madaxda kooxda Juventus ayaa caga dhigtay caasimada Spain si ay u sii wadaan wadahadalada ay kula jiraan weeraryahanka kooxda Real Madrid Gonzalo Higuain. Xiddiga reer Argentina ayaa ka mid ah weeraryahanada ay raadineyso kooxda heysata horyaalka Serie A xagaagan, agaasimaha guud ee kooxda Bianconeri Beppe Marotta iyo agaasimaha Isboortiga Fabio…
Jose Mourinho iyo Cristiano Ronaldo ayaa la ganaaxay min labo kulan, laakiin ganaaxaas waxa uu ka dhaqan galayaa kaliya Copa del Rey ama FA Cup. Labada nin ee reer Portugal ayaa waxaa laga saaray garoonka kulankii Real Madrid ay guuldarrada ka soo gaartay Atletico Madrid finalkii Copa del Rey jimcihii…