Xulka Netherlands ayaa nus darsan goolal ah ku xaaqay xulka Waqooyiga Ireland ciyaar saaxiibtinimo oo ay ku yeeshen Amsterdam Arena, iyadoo xulka Holland uu fariin cad u diray dalalka kale ee ka qeybgalaya Euro 2012. Xulka Oranje ayaa waxa ay Group-ka dhimashada loo yaqaano kuwada jiraan Denmark, Portugal iyo Germany,…
Wesley Sneijder ayaa dareensan Spain iyo Netherland ay iskugu soo hari karaan kama dambeysta Koobka qaramada Yurub. Wuxuuna rajeynayaa in jirataanka xulka difaacanaaya koobka iyo xulkiisu ay imaan doonaa bandhiga xagaaga. La Furia Roja ayaa Hal iyo Wabxa kaga talaabsatay Holland waqtigiii dheeriga ahaa ciyartii kama dambeysta koobkii aduunka ee…
Xulka Spain ayaa kulan saaxiibtinimo la ciyaaray xulka South Korea ciyaar ka dhacday Stadium De Suisse Wankdorf Bern — Bern, xulka Spain ayaa kubada inteeda badan iska heystay iyadoo oo goolka hore u furay daqiiqadii 11aad ee ciyaarta Torres oo kubad uu ka helay Juan Mata madax ku dhaliyey,laakiinse daqiiqadii…
Tababare Joachim Loew ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maanta 23ka ciyaaryahan ee xulka Jarmalka u matalaya Euro 2012, iyadoo maanta ay tahay maalintii ugu danbeysay ee macalimiinta xulalkooda ka qeybqaadanaya Euro 2012 inay u gudbiyaan 23ka magac ee xul kasta UEFA. Xulka Jarmalka ayaa ku jira Group B waxaana…
Tababaraha kooxda Ajax Frank de Boer ayaa meesha ka saaray inuu qaban doono shaqada kooxda Liverpool, isagoo sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Amsterdam. De Boer ayaa lala xiriiriyay shaqada Anfield ka dib markii Kenny Dalglish la ceyriyay isbuucii hore, markii ay Liverpool ku dhameysatay horyaalka meeshii ugu xumeyd muddo…
Weeraryahanka kooxda Arsenal Robin van Persie ayaa ku biiray xulkiisa Netherlands ka hor Euro 2012, isagoo weli aan go’aan kama danbeys ah ka gaarin mustaqbalkiisa Gunners. Sida aan ka soo xiganay BBCSport. 28 jirkaan ayaa hal sanno ay uga hartay qandaraaskiisa Arsenal, waxaana uu wadahadalo la qaatay maalintii arbacada tababaraha…
Ruud van Nistelrooy ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo ciyaaraha kubada cagta xagaagan ka dib markii uu doortay inuusan heshiiska u cusbooneysiinin kooxda Malaga. Xiddigii hore ee xulka Holland ayaa qandaraaskiisa kooxda Spain uu dhacayay, waxaana uu diiday inuu qalinka ku duugo heshiis cusub madaama uu dareensan yahay in la…
Kooxaha ugu Quwadda weyn Premier League-ga ayaa isha ku haya xaaladda Weeraryahanka u dhashay dalka Holand Luuk de Jong. Ciyaaryahanka Kooxda Fc Twente ayaa 32 Goal shabaqa kusoo tabtay Xilli Ciyaareedkan taasoo soo jiidatay indhaha Kooaha ugu waa weyn England Premier League. Manchester United, Chelsea, Liverpool, Newcastle United iyo Tottenham…
Kooxda Ajax Amsterdam ayaa hanatay horyaalkeedii 31aad ka dib markii ay xalay 2-0 ku garaaceen kooxda kaalimaha hoose ee VVV Venlo, iyadoo labada goolba uu u dhaliyay Siem de Jong. De jong ayaa hogaanka u dhiibay Ajax daqiiqadii 8aad, waxaana daqiiqadii 13aad uu dhaliyay goolkiisii labaad markaasoo kooxda Frank de…
Arsene Wenger ayaa indhaha ku haya inuu ka dhigo ciyaaryahan Jan Vertonghen, ka dib markii Arsenal ay soo xerogelisay Lukas Podolski. Arsenal iyo Cologne ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay ku heshiiyeen 10.9 milyan ginni oo ku aadan saxiixa xiddiga Jarmalka Podolski, kaasoo xagaaga si rasmi ah ugu biiri doona Arsenal…