Tababaraha xulka Holland Bert van Marwijk ayaa shaaca ka qaaday in tababare Arsene Wenger uu doonayay in weeraryahankiisa Robin van Persie inuusan ciyaarin labada kulan ee saaxiibtinimo ee xulka Netherlands. Si kastaba, labada tababare ayaa heshiis dhexdhexaad ah gaaray, iyadoo ay isku raaceen in van Persie uu ciyaaro hal kulan.…
Ciyaaryahanka kooxda Tottenham Rafael van der Vaart ayaa seegi doona ciyaarta saaxibtinimo ee xulka dalkiisa Netherland la yeelan doono Talaadada soo socota xulka Germany. Van der Vaart ayaa muruqa ka dhaawacmay ciyaar ay xulka dalkiisa barbaro gool la’aan ah ku kala baxeen Switzerland. Ciyaaryahankan qadka dhexe uga ciyaari jirey kooxda…
Habeen lagu mashquulsan yahay ciyaaro saaxiibtinimo ayay aheyd xalay, iyadoo ay ciyaarayeen xulal mar hore xaqiijistay booskooda Euro 2012, ciyaaryahan Mario Balotelli ayaa cadeeyay booskiisa uu ku hogaamin karo weerarka xulka qaranka Italy isagoo dhaliyay goolkii koowaad ee ay Italy 2-0 kaga badisay xulka Poland oo qeyb ka martigelin doona…
Guddoomiyaha Arsenal Peter Hill-Wood ayaa ku adkeysanaya inuusan ka walwal qabin xaqiiqada ah in Robin van Persie uusan ku degdegeyn in uu wadahadal kala galo kooxda heshiis cusub. Ciyaaryahankan reer Dutch ayaa ciyaar aad u wanaagsan soo bandhigey xilli ciyaaredkan isagoo 11 kulan ee uu ku bilowday uu dhaliyey 11 gool.…
Halyeeyga reer Holland Marco van Basten ayaa ugu baaqay ciyaaryahan Robin van Persie inuu ku negaado kooxda Arsenal. 28 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa aad u kacsan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 11 gool, isla markaana abuuray afar kale, 11 kulan oo uu ka soo dhex muuqday Premier League. Si kastaba,…
Goolhayaha kooxda Arsenal Wojciech Szczesny ayaa ka hadlay sida uu ugu xun yahay in saaxiibkiisa Robin van Persie in laga reebo liiska musharaxiinta abaalmarinta FIFA Ballon d\’Or, isagoo ku tilmaamay inay tahay doqonimo. Afar ciyaaryahan oo Premier League ka ciyaarta ayaa ku jirta sida Nani, Sergio Aguero, Wayne Rooney iyo…
Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi iyo xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku jira 23ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaalmarinta FIFA Ballon d\’Or ee 2011. Liiskan ayaa waxaa ku badan ciyaartoydii 2010 Spain la qaaday koobka adduunka, iyadoo 7 ka mid ah ay yihiin Spanish koobka aduunka ku guuleystay,…
Tababaraha xulka Boqortoyada Sacuudi Carabiya Frank Rijkaard ayaa sheegay in xulka Netherland uu awood weyn leeyahay xilligan in uu ku guuleysto koobka Horyaalka Yurub ee lagu wado in sanadka dambe si wadajir ah loogu qabto dalalka Poland iyo Ukraine. Rijkaard, oo ka mid ahaa ciyaartoydii u safanaysay xulka Netherland ee…
Kooxda Arsenal ayaa isku dayaysa inay sameyso wax walba oo awoodeeda ah oo ku ceshaneyso Robin van Persie iyadoo u soo bandhigaysa heshiis 90 kun ginni uu todobaadkii ku qaadanayo kaasoo uu kooxda ku sii joogi doono muddo afar sanno ah. Sida laga soo xigtay wargeyska The Express, agaasimaha guud…
Dennis Bergkamp ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay u baahan tahay gooldhaliye wanaagsan oo ka fududeeya kooxda sidii ay uga baxdo heerka ay haatan ku sugan tahay. Bergkamp oo guulo badan la soo qeybsaday kooxda ka dhisan waqooyiga London lana qaaday saddex koob oo horyaal iyo afar koob oo FA…