Ciyaaryahan Samir Nasri ayaa gool uu dhaliyay ku dhawaad dhamaadkii ciyaarta waxa uu ka saaciday in Manchester City ay 2-1 kaga badiso kooxda Chelsea oo marti ku aheyd Etihad Stadium. Sky Blue oo xilli ciyaareedkan aan looga badin horyaalka garoonkeeda ayaa gool looga hormaray ka dib markii kubad soo laalaabatay…
Daafaca kooxda Manchester United Nemanja Vidic ayaa rajeynaya inuu tababarka kooxdiisa ku soo laabto bisha July si uu isagu diyaariyo xilli ciyaareedka soo socda. Daafaca dhexe ee dalka Serbia ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu dhaawac ka soo gaaray bishii December kulankii Basel ee Champions League. Waxaana kulankaasi…
Tababaraha kooxda Liverpool Kenny Dalglish ayaa ku farxay in weeraryahanka kooxda Luis Suarez inuu shaaciyo jecelka uu u qabo inuu sii joogo kooxda Reds. Isbuucyadii u danbeysay waxaa 25 jirkaan lala xiriirinayay inuu ka tagayo Premier League, iyadoo Paris Saint-Germain ay aheyd halkii loo maleynayay inuu u ruqaansan doono. Lakiin…
Madaxa horumarinta kubada cagta Manchester City Patrick Vieira ayaa aaminsan in soo laabashada Paul Scholes inay cadeyn u tahay in tababardari ay ka dhex jirto kooxda Manchester United. Scholes ayaa ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariistay ka dib markii sannadkii hore ay kooxdiisa ku guuleysatay Premier League. Si kastaba, ciyaaryahankii…
Kulan xiiso leh ayaa caawa Etihad Stadium waxa uu ku dhexmari doonaa Manchester City iyo Chelsea. Kulankan ayaa muhim weyn u ah labada kooxood. Manchester City waxaa saaran cadaadis xoogan waxaana ay u baahan tahay inay soo yareyso hogaanka afarta dhibcood ee Manchester United. Halka Chelsea oo soo badisay afartii…
Roberto Mancini ayaa sheegay in Carlos Tevez laga yaabo inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay tan iyo bishii September kulanka habeen danbe ee Premier League ee ay la ciyaarayaan kooxda Chelsea. Ciyaaryahanka reer Argentina ayaan ciyaarin tan iyo markii uu diiday inuu iskululeeyo kulankii Champions League ee Bayern Munich, waxaana haatan…
Xilliga la ciyaari doono semi-finalka FA Cup ayaa la shaaciyay, iyadoo Liverpool ay ka fogaan doonto inay ciyaarto maalinta ay ku beegan tahay musiibadii Hillsborough ee 15ka April. Kooxdii soo bedisa ciyaarta ku celiska ah ee Everton iyo Sunderland ayaa waxa ay Wembley kula ciyaari doontaa semi-finalka kooxda Liverpool 14ka…
Daafaca kooxda Chelsea John Terry ayaa seegi doona kulanka muhimka ah ee soo socda ee ay kooxdiisa la ciyaareyso Premier League ka dib markii uu ka soo kabsan waayay dhaawac yar oo ka soo gaaray kulankii Napoli. 31 jirkaan ayaa la bedelay dhamaadkii ciyaartaa, waxaana la sheegayaa haatan inuu seegi…
Kooxda Bolton Wanderers ayaa sheegtay in Fabrice Maumba inuu waxooga yar ka soo reynayo sidii hore, isagoo weli ku jira qeybta xaalada degdega ah ee isbitaalka wadnaha ee ku yaala London. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa loo qaaday London Chest Hospital habeenkii sabtida ka dib markii uu ku dhacay garoonka intii…
Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ka shaqeeyay qorshihii lagu ceyriyay Andre Villas-Boas. Tababaraha Talyaaniga ayaa si ku meel gaar ah haatan loogu dhiibay shaqada Stamford Bridge ka dib markii la ceyriyay tababaraha reer Portugal AVB. Waxaa aad loo hadal haayay in tababaraha reer Portugal…