Home » Champions League » Seddexdii Gool ee uu dhaliyay C.Ronaldo oo Rikoorro cusub gaarsiisay

Seddexdii Gool ee uu dhaliyay C.Ronaldo oo Rikoorro cusub gaarsiisay

Waxaa Qoray:

Taariikh: 18-September-2013

ronaldo-granada-blue490ai

C.Ronaldo wuxuu seddex gool oo loo yaqaano hat-trick ka dhaliyay kulankii xalay kooxdiisa 6-1 ku garaacday kooxda Galatasaray ee dalka Turkiga ciyaar ka tirsaneyd tartanka horyaalka Yurub ee Champions League.

Goolashaas waxey siisay Ronaldo in uu 53 gool ka dhaliyo Champions league, wuxuuna noqonayaa ciyaaryahanka 4-aad ee ugu goolasha badan tartankan.

Raul oo dhaliyay 71 gool, Messi oo saxiixay 59 gool iyo Van Nistelrooy oo horey u dhaliyay 56 gool ayaa kaliya CR7 kaga sarreeya rikoorka gool dhalinta Champions League.

Waa markiisii labaad ee uu tartankan ka dhaliyo goolasha hat-trick loo yaqaano.

Waa markii 21-aad ee uu kooxdiisa Real Madrid u dhaliyo goolasha loo yaqaano hat-trick waana markiisii 23-aad ee waayihiisa kooxeed.

Ronaldo wuxuu dhaafay rikoorkii Messi ee ahaa goolasha ugu badan ee lagu soo dhaliyao “Away” ama meel ka baxsan garoonkaada ee tarankan, wuxuuna xalay Ronaldo dhaliyay goolkiisii 27-aad oo Away ah, halka Messi horey ugu dhaliyay 26 gool.

CR7 wuxuu la sinmay Raul oo horey u dhaliyay 2 gool iyo wax ka badan 14 kulan oo Chamions League ah.