Home » Horyaalada » England » Sawiro: Liverpool Oo Soo Bandhigtay Maaliyadeeda Cusub Ee Martida Ee Xilli Ciyaareedka Soo Socda.

Sawiro: Liverpool Oo Soo Bandhigtay Maaliyadeeda Cusub Ee Martida Ee Xilli Ciyaareedka Soo Socda.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 04-June-2013

Gerrard, Reina iyo Suarez oo soo bandhiga maaliyada cusub ee martida

Gerrard, Reina iyo Suarez oo soo bandhiga maaliyada cusub ee martida

Liverpool ayaa soo bandhigtay maaliyadeeda cusub ee martida oo ay u soo saartay shirkada Mareykanka ee Warrior.

Maaliyada martida ee cusub ayaa waxa ay u egtahay maaliyadii ay ku ciyaarayeen 1981dii markaasoo ay qaadeen League Cup, waxaana sawirada soo bandhigista hogaaminayay kabtanka kooxda Steven Gerrard.

Waxaana maaliyada ay ka kooban tahay midabada cadaan iyo guduud iyo weli baro midabka dameeriga ah, iyo calaamado u eg dheeman lagu xardhay qeybta hoose.

article-0-1A255E4F000005DC-270_634x500

Inkastoo sawirka hore uu ka muuqdo Suarez hadana waxa uu ka maqnaa sawirka labaad oo ay bedeleen Glen Johnson iyo Daniel Sturridge.

Maaliyadooda rasmiga ee ay ku ciyaari doonaan kulamada gurigooda ayaa la soo bandhigay dhamaadka xilli ciyaareedka, waxana ay nashaqadeeda iyadana u ekeyd tii 1984tii markaasoo ay ku guuleysteen horyaalka iyo Champions League.

Maaliyada wada guduudan ee kulamada minanka ah loogu talo galay waxa ay Liverpool ku ciyaartay kulankii ugu danbeeyay ee Premier League oo 1-0 ay kaga badiyeen QPR gool uu u dhaliyay Coutinho.

Reds: The same three players displayed the Liverpool home shirt for the 2013/14 season