Home » Horyaalada » Spain » Xariirka Jose Iyo Taageerayaasha Real Oo Sii Xumaanaya , Mar Kale Ayaa Xalay Lagu Oriyay.

Xariirka Jose Iyo Taageerayaasha Real Oo Sii Xumaanaya , Mar Kale Ayaa Xalay Lagu Oriyay.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

Real Madrid's head coach, José MourinhoMar kale ayuu tababaraha Real Madrid Jose Mourinho kala kulmay taageerayaasha Real ku orin intii uu socday kulankii xalay ee Malaga ee qeybta ka ahaa horyaalka Spian .

Qayladiii iyo ku orintii xalay ee ay taageerayaasha ku sameeyeen Jose ayaa ka xoog badneyd middii garoonka bernabeu ku sameeyeen taas oo dhacday ka hor kulankii ay la lahaayeen Valladolid ee ay kaga badiyeen 4/3.

Sidoo kale taageerayaasha ayaa u sacab u tumay goolhaye Ikar marka ay maqleen in magaciisa uu ku jiro liiska badelka halka sidoo kale ay u sacab tumeen gool dhaliyaha Real ee Ronaldo .

Maamulka kooxda ayaa garoonka ka saaray boorar ay taageerayaasha ku dhaleeceynayeen Jose Mourinho ka hor inta ciyaarta bilaaban halka qaar ka mid ah taageerayaasha ay ku dhawaaqayeen magaca tababaraha Malaga Pellegrini horayna Real u soo maray .
Xariirka Jose iyo taageerayaasha ayaa sii xumaaday xilli si weyn loo xusayo in uu ku jeedo kooxda Chelsea , xillid ahwana uu sheegay in uu dareemayo in aan Real laga jecleyn.