Home » Horyaalada » England » Wayne Rooney Oo Ka Dalbaday Man Utd In La Ii Ibiyo, Iyo Chelsea Oo Kula Biirtay Bayern Tartanka Saxiixiisa.

Wayne Rooney Oo Ka Dalbaday Man Utd In La Ii Ibiyo, Iyo Chelsea Oo Kula Biirtay Bayern Tartanka Saxiixiisa.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

_66252824_wayne_rooney_getty

Kooxda Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in Wayne Rooney uusan iib aheyn ka dib markii ay soo muuqatay in weeraryahanka uu weydiistay kooxda inuu ka tago Old Trafford markii labaad muddo seddex sanno gudaheed ah.

27 jirkaan ayaa u sheegay Sir Alex Ferguson labo isbuuc ka hor inuu dareemay in la joogo waqtigii uu kooxda ka tagi lahaa ka dib sagaal sanadood uu joogay Man United.

Afhayeen u hadlay United ayaa yiri kaliya sida ay qortay BBC Sport: “Wayne Rooney iib ma ahan.”

Warkaan ayaa soo baxay isla maalintii uu Ferguson ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo shaqada tababarenimo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Rooney ayaa labo xilli ciyaareed kale ay uga harsan tahay qandaraaskiisa shanta sanno ee uu saxiixay 2010kii, markaasoo sidaan oo kale uu codsaday in la iibiyo.

Jariirada Daily Mail ayaana saaka qoreysa in kooxda Chelsea ay kalsooni ku qabto inay la soo wareegto Rooney haddii uu ka tago United, iyadoo saxiixa tartankiisa kula biireysa kooxaha Bayern Munich iyo PSG oo sidoo kale xiiseynaya xiddigan.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.