Home » Horyaalada » Spain » Ronaldo Oo Dhaliyay Goolkiisii 200aad Ee Real Xilli Los Blancos Ay Xasuuqeen 9 Ciyaaryahan Oo Malaga Ah.

Ronaldo Oo Dhaliyay Goolkiisii 200aad Ee Real Xilli Los Blancos Ay Xasuuqeen 9 Ciyaaryahan Oo Malaga Ah.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

278623hp2

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 200aad ee Real Madrid xilli ay Los Blancos 6-2 ugu awood sheegatay kooxda Malaga oo labo ciyaaryahan ay casaan ka kala qaateen labadii qeyb ee ciyaarta.

Real Madrid ayay labo daqiiqo kaliya ku qaadatay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta, iyadoo daafaca Raul Albiol uu madax ku dhaliyay kooner uu soo tuuray ciyaaryahanka khadka dhexe Luka Modric.

Real Madrid ayaana ciyaarta koontarooleysay iyadoo abuuray qeybihii fursado ay hogaanka ku sii dheereysan kareen.

Daqiiqadii 15aad ayaana kooxda Malaga ay u suurtogashay inay hesho goolka barbaraha, kooner uu soo tuuray Isco ayaa waxaa sii taabtay Lugano iyadoo Santa Cruz uu isna shabaqa cusjiyay.

Shan daqiiqo ka dib goolkooda barbaraha Malaga waxaa ku baryay waaga markii casaan toos ah uu ka qaatay Sanchez kaasoo qalad ku galay Ronaldo oo kubad dhex bixis ah ka helay Alonso.

Garsooraha ayaana ka labalabeynin inuu ciyaarta ka saaro Sanchez, islamarkaana Real Madrid u dhigi rigoore, waxaana rigoorada u soo istaagay isla Ronaldo kaasoo kubada dhex dhigay laakiin Caballero ayaa lugtiisa kaga badbaadiyay.

Daqiiqadii 25aad ayaana Ronaldo uu dib u soo guday rigooradii uu qasaariyay isagoo hogaanka mar kale u dhiibay kooxdiisa markii kubad uu ka helay Alonso uu meel kore ka geliyay shabaqa iyadoo kale bar ciyaartoyda Malaga ay xariiqda taagan yihiin.

Goolkaas ayaana ahaa goolkiisii 200aad ee uu Cristiano Ronaldo u dhaliyo kooxda Real Madrid 197 kulan uu u saftay kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Mesut Ozil ayaana u seddexeeyay Real Madrid kaasoo kubada si wacan u dhameystiray daqiiqadii 34aad ee ciyaarta.

Laakiin labo daqiiqo ka dib Antunes ayaa ciyaarta ka dhigay 3-2 markii uu gool u soo celiyay Malaga isagoo kubad qatar ah u qaaday goolka islamarkaana si fantastik ah u dabamariyay goolhaye Deigo Lopez.

Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta ayaana Real Madrid ay heshay goolkii afaraad markii Ronaldo uu ka baxsaday qiyaanada offside-ka islamarkaana uu kubad u dhigay Benzema kaasoo socod ku dhaliyay goolka.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 4-2 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 63aad ee ciyaarta ayaa Modric uu kubad qatar ah oo uu ka soo toogtay meel 20 yard u jirta goolka shabaqa ku hubsaday taasoo uu ciyaarta kaga dhigay 5-2.

Daqiiqadii 70aad ayaana Malaga laga dhigay sagaal ciyaaryahan markii Demichelis uu qalad ku galay Ronaldo isagoo qaatay jaalihiisii labaad ee ciyaarta.

Real Madrid ayaa iyaga laftooda ku dhameystay ciyaarta 10kii daqiiqo ee ugu danbeysay 10 ciyaaryahan ka dib markii Ozil uu dhaawac xun soo gaaray islamarkaana lagu qasbay inuu garoonka ka baxo xilli Los Blancos ay isticmaashay dhamaan bedelkeeda.

Di Maria ayaana daqiiqadii ugu horeysay ee seddex daqiiqo oo ciyaarta lagu daray dhaliyay goolkii lixaad ee ciyaarta, iyadoo dhismaha goolkiisa uu ka qeyb qaatay Fabinho kaasoo kulankii caawa fursad u helay inuu safto kulankiisii ugu horeysay.

Los Blancos ayaana ku badisay dhamaadkii 6-2, waxana ay ka dhigeysaa inay leeyihiin 80 dhibcood, iyagoo sideed dhibcood ka sareeya kooxda kaalinta 3aad ee Atletico Madrid kuwaasoo 3-1 kaga soo badiyay Celta Vigo ciyaar tan ka horeysay.

Waxaana guushaan ay sidoo kale dib u dhigtay inay Barca xaqiijisato hanashada horyaalka oo ay xaqiijisan lahaayeen hadii caawa Real Madrid laga badin lahaa.

Malaga ayaysan iyada u aheyn guuldaradan mid fiican, waxaana dhabarjab xoogan uu soo gaaray hamigooda ay u soo tiigsan lahaayeen booska Champions League.