Home » Horyaalada » Spain » Ronaldo OO 200 Gool U Dhaliyay Real Madrid, Balse Halkee Buu Kaga Jiraa Gooldhaliyayaasha Los Blancos.

Ronaldo OO 200 Gool U Dhaliyay Real Madrid, Balse Halkee Buu Kaga Jiraa Gooldhaliyayaasha Los Blancos.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolashiisii 200aad ee Real Madrid xalayto kulankii ay 6-2 kaga badiyeen kooxda Malaga.

Xiddiga reer Portugal ayaa rigoore laga badbaadiyay laakiin wax yar ka dib waxa uu dhaliyay goolkiisii 200aad ee Real Madrid uu u saxiixay ka dib baas gaaban uu ka helay Xabi Alonso, waxaana uu sidoo kale caawiye ka ahaa goolashii Mesut Ozil iyo Karim Benzema.

10ka Gooldhaliye Ee Real Madrid


Ciyaaryahan  Waqtiga  Goolasha  
Raul Gonzalez 1994-2010 323
Di Stefano 1953-1964 308
Santillana 1971-1988 290
Ferenc Puskas 1958-1966 242
Hugo Sanchez 1985-1992 208
Cristiano Ronaldo 2009- 200
Francisco Gento 1953-1971 182
Pirri 1964-1980 172
Butragueno 1984-1995 171
Amancio
1962-1976 155

Ronaldo ayaana 200 gool ku dhaliyay 197 kulan uu u saftay kooxda reer Spain isagoo haatan dhaliyay 54 gool 53 kulan uu u saftay Real Madrid xilli ciyaareedkan.

Isagoo haatan leh 200 gool, Ronaldo ayaa kaalinta lixaad kaga jira ciyaartoyda abid ugu goolasha badan kooxda, isagoo sideed gool ka danbeeya halyeeyga reer Mexico Hugo Sanchez.