Home » Horyaalada » Spain » Mesut Ozil Oo Halis Ugu Jira Inuu Seego Finalka Copa del Rey Ee Real Madrid Iyo Atletico Madrid.

Mesut Ozil Oo Halis Ugu Jira Inuu Seego Finalka Copa del Rey Ee Real Madrid Iyo Atletico Madrid.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

1368052618_extras_mosaico_noticia_1_g_0

Kooxda Real Madrid ayaa ka walwalsan in xiddigooda kubadsameeyaha ah inuu seego kulanka finalka Copa del Rey ka dib markii dhaawac uu soo gaaray 10kii daqiiqo ee ugu danbeysay ee ciyaartii xalay ay 6-2 kaga badiyeen Malaga.

Ozil ayaa dhaawac uu ka soo gaaray canqowga lugtiisa midig, waxaana garoonka looga saaray bareelo, laakiin ilaa iyo haatan lama oga inta uu la egyahay dhaawaciisa. Waxaana laga yaabaa inay u diido inuu ciyaaro finalka Copa del Rey ee ay 17ka bishaan la ciyaarayaan Atletico Madrid.

Jose Mourinho oo xalay hal marna aan ka dhaqaaqin kursigiisa ayaa u booday kaliya xiddiga Jarmalka si uu xaaladiisa u hubiyo.

Shirkii jaraa’id ee ciyaarta ka dib uu xalay qabtay tababare ku xigeen Aitor Karanka isna waa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo dhaawaca Mesut Ozil.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.