Home » Horyaalada » Italy » Massimo Moratti: Inter Milan Waa La Xoojin Doonaa Xagaagan.

Massimo Moratti: Inter Milan Waa La Xoojin Doonaa Xagaagan.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

252882hp2

Madaxweynaha Inter Massimo Moratti ayaa ku shaaca ka qaaday in kooxda la xoojin doono marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka dib markii xilli ciyaareedkan uu ku noqday mid niyadjab weyn leh.

Kooxda Giuseppe Meazza ka dhisan ayaa ku jirta kaalinta 8aad ee kala sareynta horyaalka iyoo ay u badan tahay inay seegayaan booska tartamada yurub ka dib guuldaradii xalay ka soo gaartay Lazio.

“Ma waxaan dhisi doonaa koox weyn oo Inter ah mustaqbalka? Waxaan dooneynaa inaan xoojino kooxda” ayuu Marotti u sheegay Sky Italia.

“Waa inaan fiirino sida aan ku xoojin karo, laakiin waxaan dooneynaa ciyaartoy dhiirgelin leh, awood shaqana leh, islamarkaana natiijooyin fiican kooxda ku horseedi kara xilli ciyaareedka soo socda.