Home » Horyaalada » England » Man United Oo Hishiis 5-Sano Ah Hor Dhigeysa David Moyes

Man United Oo Hishiis 5-Sano Ah Hor Dhigeysa David Moyes

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

David-MoyesWaxaa muuqaneysa in Man United ay ku xasileen in ay la soo hishiiyaan tababaraha kooxda Everton David Moyes si xilli ciyaareedka dambe uu u hogaamiyo kooxda Man United ka dib markii Sir Alex uu shaqada ka fariistay.

Wargeyska Daily Mirror ayaa qoraya in United qorsheynayaan in 50-sano jirkaas hor dhigaan hishiis gaaraya 5-sano ah oo uu kula joogayo kooxda Man United.

Waxa uu wargeyskaan intaa ku darayaa in Sir Alex uu yahay qofka doortay in Moyes uu noqdo badalkiisa Man United xilli ciyaareedka dambe .

Warbixin hore ayaa lagu sheegay in David Moyes uu kulmay gudoomiyaha kooxda Everton Bill Kenwright ka hor inta aan loo magacaabin tababaraha kooxda Manchester United ka dib markii Sir Alex Ferguson uu ku dhawaaqay inuu fariisanayo.

Kenwright ayaa qirtay inuusan jirin wax uu sameyn karo oo uu kaga celin karo tababaraha reer Scotland inuu qabto shaqada kooxda Manchester United.