Home » Horyaalada » Italy » Lazio Oo Inter Milan Ka Quusisay Tartamada Yurub, Juventus Iyo Napoli Oo Guulo Gaaray.

Lazio Oo Inter Milan Ka Quusisay Tartamada Yurub, Juventus Iyo Napoli Oo Guulo Gaaray.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

floccari-inter490ai_1

Kooxda Inter Milan ayaa xilli ciyaareedkeeda uu marba marka ka danbeysay ka sii xumaanayaa ka dib markii guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay Lazio oo ay ku martigeliyeen San Siro, guuldaradaas oo xaqiijisay inaysan ka ciyaari doonin tartamada Yurub xilli ciyaareedka soo socda.

Kooxda Lazio waxaa hogaanka u dhiibay Floccari daqiiqadii 22aad ee ciyaarta, iyadoo 10 daqiiqo ka dib uu ciyaarta dib ugu soo celiyay Inter Milan Ricy Alvares oo dhaliyay goolka barbaraha.

Laakiin kooxda caasimada ka dhisan ayaa hogaanka ku soo laabatay markii rigoore uu u saxiixay Hernanes, laakiin Inter ayaa heshay fursad ay ku barbareen kareen ciyaarta markii Alvares rigoore loo dhigay uu ka qasaariyay.

Waxaana ciyaarta hurdo u diray oo seddexda dhibcood u xaqiijiyay Lazio ciyaaryahan Onazi oo dhaliyay goolkii 3aad ee ciyaarta.

Lazio ayaana guushii ugu horeysay muddo 15 sanadood ah ku gaartay San Siro, waxaana ay Inter dhadhansiiyeen guuldaradii 15aad ee xilli ciyaareedka taasoo Inter u ah rikoor cusub.;

Waxaana ay natiijadan ay ka dhigeysaa inay Inter ku jirto kaalinta 8aad iyadoo leh 53 dhibcood, waxaana ay 7 dhibcood u jiraan booska ugu danbeeya ee loogu soo baxayo Europa League xilli ciyaareedka soo socda oo ay ku jirto Udinese iyadoo horyaalka ay labo kulan ka harsan tahay, taas ayaana soo gabagabeysay rajadooda tartamada Yurub ee xilli ciyaareedka soo socda.

Dhanka kale kooxda hanatay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan Juventus ayaa hanashadooda Scudetto waxa ay kula dabaaldegeen guul 1-0 oo ay ka gaareen kooxda Atalanta oo marti loo ahaa.

Gool uu dhaliyay Alessandro Matri qeybtii hore ee ciyaarta ayaana Bianconeri ay seddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Atalanta.

Juve oo horyaalka xaqiijisatay isbuucaan ka dib guushii ay ka gaareen Palermo ayaana leh 86 dhibcood.

Dhanka kooxda Napoli ayaa markii ugu horeysay muddo laba sannadood ah ku badisay guriga Bologna iyagoo ku garaacday 3-0.

Waxaana guushaas ku hogaamiyay Napoli Hamsik, Cavani iyo Dzemaili, iyadoo guusha ay gaareen ay si rasmi ah ugu xaqiijisay inay ku dhameysan doonaan kaalinta labaad ee horyaalka islamarkaana ay si toos ah ugu soo baxeen Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.