Home » Horyaalada » England » Everton Oo U Calaameysatay Roberto Martínez Badelka Moyes Haddii Uu United U Wareego.

Everton Oo U Calaameysatay Roberto Martínez Badelka Moyes Haddii Uu United U Wareego.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

278318hp2Maamulka kooxda Everton ayaa calaameystay badelka tababarahooda David Moyes haddii ay dhacdo in uu aado kooxda Man United oo tababarahoodii soo hayay 27-ka sano ee Sir Alex uu shaaciyay shalay in uu ka fariistay ciyaaraha halka Moyes lala xariirinayo in uu noqonayo badelka Alex.

Ilo xog ogaal ah oo uu bogga goal.com helay ayaa sheegaya in tababaraha Wigan Roberto Martínez uu u sharaxan yahay badelka Moyes ee Everton haddii uu aado Man United .

Tababarahaan da`da yar ee reer Spain ayaa ah doorashada koowaad ee madaxa kooxda Everton , iyadoo Moyes uu dhawaanahaan ka meer meerayay in kooxda uu la furo wadahadalo uu hishiiska ugu kordhinayo xilli midkiisa haatan uu dhamaanayo inta lagu jiro xagaagaan .

Roberto Martínez ayaa Wigan laba xilli ciyaareed oo isku xigta ka bad baadiyay in ay u dhaadhacaan kooxaha heerka labaad ee Ingiriiska ,waxa uuna xilli ciyaareedkaan isku dayayaa in uu ka soo kaxeeyo Wigan kaalinta 18-aad ee ay ku jiraan si ay u bad baadaan.

Goal.com ayaa tilmaameysa in haddii 50-jirkaas Moyes uu ogalaado in uu qabto United waxaa lagu dhawaqayaa ka hor inta todobaadkaan uu dhamaan.

Wigan ayaa waxaa u harsan xilli ciyaareedkaan laba kulan oo adag oo ay la leeyihiin Arsenal iyo Aston Villa waxa ayna u baahan yihiin in ay badiyaan si ay uga bad baadaan in ay sii raacaan QPR iyo Reading oo kooxaha heerka koowaad macsalaameeyay.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.