Home » Horyaalada » England » David Moyes Oo Qarka U Saaran In Loo Magacaabo Tababaraha Cusub Ee Manchester United.

David Moyes Oo Qarka U Saaran In Loo Magacaabo Tababaraha Cusub Ee Manchester United.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

278488hp2

David Moyes ayaa la kulmay gudoomiyaha kooxda Everton Bill Kenwright ka hor inta aan loo magacaabin tababaraha kooxda Manchester United ka dib markii Sir Alex Ferguson uu ku dhawaaqay inuu fariisanayo.

Kenwright ayaa qirtay inuusan jirin wax uu sameyn karo oo uu kaga celin karo tababaraha reer Scotland inuu qabto shaqada kooxda Manchester United.

Inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo weli ka soo baxay Manchester United hadana waxaa si aad ah loo sheegayaa in liiska musharaxiintooda uu u sareeyo David Moyes.

Waxaana ay u muuqataa inaysan macquul aheyn in Moyes uu iska diido dalab uga yimaado Red Devils, iyadoo qandaraaskiisa Everton uu ku egyahayba xagaagan.

“Ma aqaano hadii heshiis la gaaray iyo hadii kale. David kulan ayuu ila lahaa, waxaana uu ahaa kulan fiican” ayuu Kenwright u sheegay Sky Sports News ka dib markii uu ka tagayay xafiiskiisa xalayto 11pm saacada England.

“Si kastaba qandaraaska David waxaaba uu dhacayaa lix isbuuc ka dib, waxaana uu xaq u leeyahay inuu gaaro go’aankiisa u gaarka ah.

“Kooxdaan si cajiib ah ayuu uga soo shaqeeyay, waxaana uu xaq u leeyahay inuu go’aan gaaro.”

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.