Home » Horyaalada » Spain » Daily Mail: Cristaino Ronaldo Oo Ku Sii Jeeda Manchester United Xilli Rooney Uu Ka Sii Jeedo.

Daily Mail: Cristaino Ronaldo Oo Ku Sii Jeeda Manchester United Xilli Rooney Uu Ka Sii Jeedo.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

1005434-16305322-640-360

Wargeyska Daily Mail ayaa qoraya maanta sheekada ku saabsan in Cristiano Ronaldo uu ku sii jeedo kooxdiisa hore ee Manchester United, xilli Wayne Rooney uu dalbaday markii labaad seddex sanno gudaheed in la iibiyo.

Waxaana wargeyskaan uu sheeganayaan in agaasimaha guud ee kooxda United David Gill inuu kulan la qaatay wakiilka Jorge Mendes oo wakiil u ah Cristiano Ronaldo iyagoo ka wadahadlay sida uu xiddiga Real Madrid dib ugu soo laaban lahaa Old Trafford oo uu kaga tagay rikoor 80 milyan ginni 2009kii.

Iyadoo Fergie uu u sheegay Rooney inaan loo ogolaan doonin inuu ka tago kooxda, waxa uu weeraryahanka reer England isku diyaarinayaa inuu gudbisado codsi rasmi ah oo uu kooxda kaga tagayo, waxaana Daily Mail ay leedahay waxa uu wadada u sii baneenayaa soo noqoshada Ronaldo.

Seddex kooxood ayaana wargeysyada ay sheegayaan inay diyaar u yihiin inay ku tartamaan saxiixa Rooney waana Chelsea, PSG iyo Bayern Munich, iyadoo xiddiga England laga yaabo inuu u wareegsado Stamford Bridge halkaasoo la filayo in xilli ciyaareedka danbe uu Jose Mourinho macalin ka noqon doono.

Real Madrid ayaa ku adkeysaneysay dhaawanahn inaysan iibineynin xiddigooda Ronaldo, iyadoo madaxweynaha kooxda Los Blancos Florentino Perez uu kulan uu la qaatay jamaahiirta Real Madrid dhawaan uu ugu xaqiijiyay in Ronaldo uu sii joogi doono Santiago Bernabeu.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.