Home » Suuqa » City Oo Daafaca Kooxda Cagliari Ee Davide Astori Ku Cariirineysa Kooxda Talyaaniga.

City Oo Daafaca Kooxda Cagliari Ee Davide Astori Ku Cariirineysa Kooxda Talyaaniga.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

Davide_Astori_Wallpaper_4Wargeyska Daily Mail ayaa qoraya in daafaca kooxda Cagliari ee dalka Talyaaniga ee Davide Astori uu ku soo wajahan yahay kooxda Man City marka kala wareegga ciyaartooyda la gaaro taasina waxa ay imaaneysaa haddii tababare Roberto Mancini uu sii joogo Man City xagaaga dambe.

Daafacaan u dhashay Talyaaniga ayaa sara u sii qaaday qiimihiisa suuqa iyadoo kooxo dhowr ay doonayaan ka dib markii uu soo bandhigay heer ciyaareed wanaagsan xilli ciyaareedkaan, waxaana wada doonaya kooxaha South hampton , Milan , Napoli iyo Juventus .

Ilo wareedyo ay qorayaan warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in Napoli u muuqato kooxda ugu dhaw in 26-sano jirkaas la wareegaan maadaama la sheegayo in uu jiro hishiis ay wada gaareen labada koox halka Milan-na ay diyaarineyso dalab qiimihiisu sareeyo oo ku aadan laacibkaas.

Balse wargeyskaan laga leeyahay Ingiriiska ayaa xusaya in Roberto Mancini uu isha ku hayo sidii uu u heli lahaa saxiixa laacibkaasi kaasi oo qiimihiisa uu gaarayo 10-milyan oo euro .

Waxaana lagu waramaaya in City kaliya ay illaa haatan soo bandhigtay qiimaha ay ku doonayaan saxiixa laacibkaasi oo in muddo ah ay isha ku hayeen.