Home » Suuqa » Chelsea Oo U Dhaw Saxiixa Xiddiga Atletico Madrid Ee Arda Turan

Chelsea Oo U Dhaw Saxiixa Xiddiga Atletico Madrid Ee Arda Turan

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

Arda-TuranKooxda Chelsea ayaa daboolka ka qaaday in si weyn ay u xiiseynayaan in ay la soo hishiiyaan xiddiga reer Turki iyo kooxda Atletico Madrid Arda Turan marka suuqa kala wareega uu furmo xilli laacibka kooxo kale ay bartilmaameysanayaan .

Wargeyska Daily Express ayaa qoraya in naadiga Chelsea ay qorsheynayaan in ay hor dhigaan Atletico Madrid qiimo lacageed oo gaaraya 20-milyan oo gini si ay u helaan 26-sanio jirkaas reer Turki xilli ciyaareedka dambe .

Waxa uu wargeyskaan intaa ku daraya in sidoo kale kooxaha Arsenal iyo liverpool in iyana ay xiiseynayaan laacibkaas balse illaa haatan ma jiro dalab ay ula tageen kooxdaas reer Spain , waxa uuna u muuqdaa in uu aad ugu dhaw yahay in Chelsea uu ku biiro .

War lagama hayo laacibka iyo kooxda Atletico Madrid balse qiimaha lacagta ay u taagan yihiin Chelsea Arda Turan ayaa u muuqaneysa mid wax waliba keeni karta oo sahleysa in laacibka uu Chelsea yimaado .

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.