Home » Horyaalada » Spain » Barca Oo U Sheegtay Inter Iyo Liverpool Inaysan Iibineynin Montoya Balse Amaah Ay Ku Fasaxayaan.

Barca Oo U Sheegtay Inter Iyo Liverpool Inaysan Iibineynin Montoya Balse Amaah Ay Ku Fasaxayaan.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

montoya-barca490ai_0

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso kaliya inay amaah ku siiso Inter Milan ama Liverpool ciyaaryahan Martin Montoya halkii ay ka iibin lahaayeen.

Daafaca Catalans ayaa la rumeysan yahay inuu diirada u saaran yahay xagaagan kooxo dhowr ah, iyadoo Real Betis iyo Liverpool ay la tartamayaan kooxda Serie A ka dhisan.

Montoya ayaa u furan inuu ka tago Barcelona si uu u helo kubad joogta ah oo u fududeysa inuu ka qeybgalo koobka adduunka sannadka soo socda, laakiin jariirada Marca ayaa sheegeysa in Blaurana ay dooneyso kaliya inay amaah ku fasaxdo.

Barca ayaana sida lagu soo waramayo u aragta weli 22 jirkaan ninkii u bedeli lahaa Dani Alves, sidaasi darteedna ma doonayaan inay wadaxaajood ka galaan heshiis si joogta ah lagu iibsanayo.

Waxaana ay arintaan keeni kartaa inay burburiso dalab kasta oo ay wadatay Inter, iyadoo kooxda Serie A ka dhisan ay dooneyso kaliya inay iibsato oo aysna dooneynin heshiis amaah ah.

Qandaraaska haatan uu Montoya kula jiro Barcelona ayaa dhacaya June 2014.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.