Home » Suuqa » Arsenal Oo Wadahadalo La Fureysa Xiddiga Sevilla Ee Jesus Navas

Arsenal Oo Wadahadalo La Fureysa Xiddiga Sevilla Ee Jesus Navas

Waxaa Qoray:

Taariikh: 09-May-2013

160943hp2Mas`uuliyiinta kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la furay xiddiga kooxda Sevilla ee dalka Spain Jesus Navas kaasi oo ay doonayaan in bilaawga xilli ciyaareedka dambe helaan si uu qeyb uga noqdo qorshayaasha kooxda isku xoojineyso xagaaga dambe.

Waxaa muuqaneysa in laacibkaan kooxo dhowr ah uu loolan ka dhex dhalinayo iyadoo Arsenal kaliya aheyn kooxaha doonaya laacibkaas iyadoo wargeyska Bild ee ka soo baxa jarmalka uu qorayo in kooxda Borussia Dortmund iyana ay doonayaan in ay la hishiiyaaan laacibkaas si uu ugu noqdo badelka Mario Gotze oo Bayern Munich kala hishiiyeen .

Qiimaha lagu qiyaasayo laacibkaas 27-sano jirka ah ayaa gaaraya 17-milyan oo gini lamana garanayo in Wenger uu diyaar u yahay in uu bixiyo qiimahaas .

Waxaana dad badan sheegayaan in Wenger uu arintaas ku dhiiran karin marka la eego xilli magacayo badan oo qaali ah lala xariirinayo kooxda Arsenal .

Waxaa xusid mudan in laacibkaan Jesus Navas uu albaabada u furay in uu ka huleelayo kooxda Sevilla isaga oo sheegay in uusan garaneyn halka uu wajiga saarayo balse waxa uu u badiyay in xilli ciyaareedkaan ay ugu dambeyso horyaalka Spain .