Home » Horyaalada » England » Yaa Ka Bedeli Doona Shaqada Old Trafford Tababaraha Fariistay Sir Alex Ferguson?

Yaa Ka Bedeli Doona Shaqada Old Trafford Tababaraha Fariistay Sir Alex Ferguson?

Waxaa Qoray:

Taariikh: 08-May-2013

1004892-16298800-640-360

Alex Ferguson waa ka fariistay shaqada kooxda Manchester United, laakiin yaa bedeli doona shaqada tababaraha ugu guulaha badan Britian.

Durbaba waxaa la hadalhayaa magacyo dhowr ah oo u sharaxan shaqada tababaraha cusub ee Manchester United, waxaana ka mid ah:

David Moyes

Tababaraha kooxda Everton ayaa in muddo ah lala xiirinayay inuu yahay ninka bedeli lahaa Sir Alex Ferguson, isagoo in muddo ah ku soo dadaalay kooxdiisa haatan ee Everton isagoo dhaqaale weyn oo uu suuqa kala iibsiga ku galo aan heysan.

Jose Mourinho

Iyadoo si joogta ah haatan loola xiriirinayo tababare Jose Mourinho inuu ku laabanayo Chelsea marka uu xagaaga ka tago Real Madrid, hadana dad badan ayaa aaminsan in hadii Special One loo soo bandhigo fursad uu ku bedelo Man United inuu ku boodi doono.

Jurgen Klopp

Tababaraha kooxda Borussia Dortmund ayaa isna ka mid ahaa tababarayaasha lagu tuhmayay inay bedeli karaan tababare Sir Alex Ferguson, waxaana shaqadiisa wacan ee uu ka qabtay Borussia Dortmund ay noqon kartaa mid loo texgelin karo inuu macalin ka noqdo Old Trafford xilli ciyaareedka danbe.

Ryan Giggs

Ciyaaryahanka reer Wales oo xilli dhow 40 jir noqonaya ayaa noloshiisa oo dhan u hibeeyay Red Devils, waxaana jirta saadaal ah in marka Giggs uu ciyaaraha ka fariisto inuu noqon doono tababare, balse haatan ma la joogaa xilligaas ayaa ah su’aasha la isweydiinayo.

Ole Gunnar Solskjaer

40 jirkaan ayaa ah halyeey Man United ah waxaana koobab uu hore iyo gadaal ugu qaaday kooxda reer Norway ee Molde, waxaana uu inta badan ka hadlaa inuu ku riyoonayo inuu Tiyaatarka Riyada ka noqdo mar uun macalin isagoo tababare u soo ahaa kooxda Juunyeerka Man United.

Carlo Ancelotti

Tababaraha Talyaaniga ayay u badan tahay inuu ka tagayo PSG xagaaga, inkastoo la isla dhexmarayo inuu ku sii jeedo Real Madrid oo uu bedelayo Jose Mourinho, hadana waxaa macquul ah inuu fursad u helo inuu mar kale ku soo laabto England ka dib waqtigiisa Chelsea.

Magacyada kale ee la xusay waxaa ka mid ah Gary Neville, Laurent Blanc, Roberto Martinez, iyo Michael Laudrup .

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.