Home » Horyaalada » France » Thiago Silva Oo Labo Kulan La Ganaaxay Iyo Leonardo Oo Laga Yaabo In Sannad Laga Mamnuuco K/Cagta.

Thiago Silva Oo Labo Kulan La Ganaaxay Iyo Leonardo Oo Laga Yaabo In Sannad Laga Mamnuuco K/Cagta.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 08-May-2013

277737hp2 (1)

Agaasimaha kooxda PSG Leonardo ayaa laga yaabaa inuu wajaho in kubada cagta laga mamnuuco muddo hal sanno ah ka dib markii ay soo muuqatay inuu kala tuuray garsoore Alexandre Castro ciyaartii ay kooxdiisa PSG barbaraha 1-1 la galeen Valenciennes.

Xiddigii hore ee Brazil ayaa si ku meel gaar ah haatan looga mamnuucay inuu sii wato doorkiisa shaqo ee kooxda PSG ka dib markii ay ka fariisteen guddiga dishibiliinka xiriirka kubada cagta France, waxaana dacwadiisa la dhageysan doonaa 16ka bishaan.

Les Parisiens ayaa sidoo kale sii heshay war aan wagaansaneyn ka dib markii kabtankooda Thiago Silva la ganaaxay labo kulan markii isna uu kala tuuray garsooraha intii ay socotay ciyaarta .

Waxaana ganaax la duldhigay ay la micno tahay inuu haatan seegi doono kulamada PSG ay la ciyaareyso Lyon iyo Stade Brestois iyagoo dadaal ugu jira inay xaqiijistaan horyaalka Ligue 1.