Home » Horyaalada » Italy » Goolhaye Christian Abbiati Oo Hishiis Cusub U Saxiixay AC Milan

Goolhaye Christian Abbiati Oo Hishiis Cusub U Saxiixay AC Milan

Waxaa Qoray:

Taariikh: 08-May-2013

Christian AbbiatiGoolhayaha kooxda Milan Christian Abbiati ayaa hishiiska u cusbooneysiiyay kooxda iyadoo midkiisa haatan uu dhamaanayay bisha dambe .

Milan ayaa maalmo ka hor shaacisay in Christian Abbiati u dhaw yahay in hishiiska u kordhiyo kooxda iyadoo uu muujinayo gool hayahaan heer ciyaareed aad u sareeya .

Goolhayahaan 35-sano jirka ah ayaa hal sano ugu daray kooxda iyadoo sidaas uu hishiiskiisa uu ku dhamaanayo sanadka 2014-ka .
Waxaa xusid mudan in Christian Abbiati Milan uu jooga tan iyo sanadkii 1998-dii, iyadoo uu sheegay in uu ku faraxsan yahay hishiiska cusub ee uu saxiixay .

Sidaas oo ay tahay Milan waxa ay baadi goob ugu jiraan gool hayaha kooxda QPR Julio Cesar inakstoo loolan ay kala kulmayaan kooxda Arsenal oo iyana doonaya goolhayahaan reer Brazil.