Home » Horyaalada » England » Chelsea Iyo Spurs Oo Isku Garab Dhacay Xilli Uu Sii Adkaaday Tartanka Loogu Jiro Boosaska Champions League.

Chelsea Iyo Spurs Oo Isku Garab Dhacay Xilli Uu Sii Adkaaday Tartanka Loogu Jiro Boosaska Champions League.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 08-May-2013

article-2320764-19AF8E45000005DC-59_634x368

Kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa isku garab dhacay ciyaar xiiso badneyd oo ku dhexmartay Stmaford Bridge markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, taasoo ka sii dhigtay tartanka loogu jiro boosaska Champions League mid ka adag sidii hore iyadoo horyaalka ay ka harsan tahay kaliya labo kulan.

Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 11aad markii kooner uu soo tuuray Juan Mata uu madaxeeyay Gary Cahill, waxaana madax kale ku sii dhameystiray xiddiga reer Brazil Oscar.

Spurs ayaa isku dayday inay ku soo laabato ciyaarta, laakiin qeybihii hore ee ciyaarta waxaa koontaroolka laheyd kooxda martida loo ahaa, Tottenham ayaana fursadii ugu horeysay ee ay u hesho inay weerar rasmi ah soo qaado waxa ay ku heshay gool daqiiqadii 25aad ee ciyaarta.

Adebayor ayaa kubada ka sii jiiday kala bar garoonka, ka hor inta uusan shabaqa ka soo toogay meel 23 yard u jirta goolka, isagoo kubada si fantastik ah u dhameystiray islamarkaana aan wax fursad ah siinin Petr Cech.

Goolkaasoo oo ahaa goolkiisii afaraad ee xilli ciyaareedka ayaana ka dhigtay ciyaarta barbaro 1-1 ah.

Chelsea ayaana hogaanka ku soo laabatay daqiiqadii 39aad ee ciyaarta markii Fernando Torres uu soo maray labo ciyaaryahan ka hor inta uusan baas u dhigin Ramires kaasoo isna aan ka daahin balse kubada u diray shabaqa.

Goolkaas ayaana ahaa goolkii shanaad ee Ramires uu ka dhaliyo Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhamantood ku dhaliyay Stamford Bridge.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Azpilicueta ayaana daqiiqadii 54aad ee ciyaarta u soo dhawaaday inuu hogaanka u sii dheereeyo Blues, isagoo kubad wareeganeysa ka soo qaaday dhanka midig, waxaana ay si ciriiri ah ku agmartay xagasha sarre ee goolka.

Daqiiqadii ku xigtay waxaa fursad weyn helay Hazard, si wacan ayuu u qanciyay Walker, laakiin kubadii uu shabaqa ku hubsan lahaa waxa uu dulmariyay goolka dushiisa.

Daqiiqadii 60aad ayaana Hazard baas cajiib ah uu u dhex bixiyay Juan Mata oo goolka u furnaa, laakiin markii laga dabayimid waxa uu damcay inuu kubada u dhigo Ramires oo isna fursad fiican u heystay inuu shabaqa toogto, laakiin ciyaaryahanka reer Brazil ayaa kubada lugta la waayay islamarkaana madaxa dhulka ku qaatay.

Tottenham ayaana heshay goolka barbaraha ciyaarta oo 10 daqiiqo dhiman markii kubad la soo dhigay Adebayor uu si fantastik ah isna cirib ugu sii dhigay Sigurdsson, kaasoo fursad fiican u heystay inuu shabaqa dhex dhigo kubada, waana uu cusjiyay isagoo ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah.

Chelsea ayaana ku andacootay in Adebayor uu offside ahaa markii uu kubada helayay, laakiin taasi ma aysan ku waafaqin garsooraha iyo calanwadaha ciyaarta.

Ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah, taasoo ka dhigeysa in Chelsea ay weli ku jirto kaalinta 3aad iyadoo leh 69 dhibcood, Arsenal ayaa afaraad ku jirta oo leh 67 dhibcood halka Tottenham ay ku jirto kaalinta 5aad iyagoo leh 66 dhibcood.

Labo kulan ayaa horyaalka ka harsan iyadoo kooxdii sibxata ay keeni doonto inay halis weyn gasho hadii kooxaha kale ay ka faa’ideystaan. Waxaana ay u muuqataa in lagu kala bixi doono ilaa iyo kulanka ugu danbeeya.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.