Home » Suuqa » Alex Song Oo Doonaya In Uu Ka Huleelo Barcelona

Alex Song Oo Doonaya In Uu Ka Huleelo Barcelona

Waxaa Qoray:

Taariikh: 08-May-2013

alex-song_2315056bXiddiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Alex Song ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu dib ugu soo laabanayo horyaalka Ingiriiska mar kale marka uu furmo suuqa kala wareegga ciyaartooyda.

Wargeyska Sunday Evening ayaa bogooda ku soo qoray in laacibkaasi 25-sano jirka ah uu doonayo in uu isaga baxo garoonka Cump Nou maadaama kursiga badelka Barcelona uu marti ku noqday .

Warku waxa uu intaa ku darayaa in naadigiisii hore ee Arsenal ay ka fikirayaan in laacibkaas soo ceshtaan inakstoo weli war rasmi ah oo ku aadan arintaas uusan ka soo yeerin kooxda Arsenal.

Warar kale ayaa sheegaya in Fabregas isna uu ka tagayo kooxdaas iyadoo si weyn looga gacan haatinayo horyaalka Talyaaniga gaar ahaan kooxda Milan .

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.