Home » Horyaalada » England » Mario Balotelli Oo Macquul Ay Tahay Inuu Wajaho Kooxdiisa Hore Ee Manchester City Xagaaga.

Mario Balotelli Oo Macquul Ay Tahay Inuu Wajaho Kooxdiisa Hore Ee Manchester City Xagaaga.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 07-May-2013

934977_660088960674465_2053765990_n

Manchester City ayaa laga yaabaa inay dib u la midoowdo weeraryahankeedii hore Mario Balotelli inta ay ku guda jiraan socdaalkooda xagaaga ee ay isagu diyaarinayaan xilli ciyaareedka soo socda.

Waxaa lagu dhawaaqay kooxaha ka qeybgalaya sannadkan koobka saaxiibtinimo ee Audi Cup ee lagu qabto Munich July iyo August. Iyadoo Manchester City iyo AC Milan ay ka mid yihiin afarta kooxood ee sannadkan ka qeybgalaya.

Balotelli ayaa ka tagay City bishii Janaayo ka dib labo sanno iyo bar oo waxyaabo badan laga qoray uu ku qaatay Etihad Stadium.

Martigeliyayaasha koobkaan Bayern Munich iyo kooxda reer Brazil Sao Paulo ayaa ah kooxaha kale ee ka qeybgalaya tartankaan, taasoo Allainz Arena ka dhici doona 31 July iyo 1da August.

Ciyaaryahan kale oo hore ugu soo ciyaaray City Nigel de Jong ayaa isna laga yaabaa inuu u ciyaaro Milan.

City ayaa sidoo kale ka qeybqaadaneysa koobka Barclays Asia Trophy ee ka dhici doona Hong Kong bisha July iyadoo ay ka qeybgalayaan Tottenham, Sunderland iyo South China FC.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.