Home » Horyaalada » France » Carlo Ancelotti Oo Ku Wargeliyay Juventus Inay Iska Ilaawaan Inay Dib U Helaan Zlatan Ibrahimovic.

Carlo Ancelotti Oo Ku Wargeliyay Juventus Inay Iska Ilaawaan Inay Dib U Helaan Zlatan Ibrahimovic.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 07-May-2013

248065hp2

Tababare Carlo Ancelotti ayaa carabka ku adkeeyay in Zlatan Ibrahimovic inuusan ka tagi doonin Paris Saint Germin xagaaga, inkastoo Juventus ay xiiseyneyso.

Warar dhowr ah oo soo baxay ayaa sheegayay in xiddiga reer Sweden oo uu go’aansaday inuu ku laabto Serie A dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo Juve ay si dhow u qiimeyneyso xaaladiisa caasimada France.

Si kastaba, tababare Ancelotti ayaa sheegay in PSG aysan dooneynin inay waqti dhow iska iibiso xiddigooda.

“Kooxo badan ayaa jecel inay heystaan Zlatan, laakiin waa u nasiib PSG inuu halkaan ka ciyaaro, waxaana uu qabanayaa shaqo fiican” ayuu tababaraha Talyaaniga u sheegay Sky Sport 24.

“Waxa uu sii joogi doonaa PSG sannadka soo socda, si la mid ah Marco Verratti.”

 

31 jirkaan ayaa kooxda ka dhisan Ligue 1 kaga soo biiray AC Milan xagaagii hore, waxaana uu muhim ka noqday PSG isagoo dhaliyay 33 gool 43 kulan uu u saftay, waxaana uu qandaraaskiisa dhacayaa June 2015.