Home » Horyaalada » England » Fernandinho Oo Albaabka U Furay Manchester City Xagaaga, Isagoo Ugu Baaqay Inay Soo Dalbadaan.

Fernandinho Oo Albaabka U Furay Manchester City Xagaaga, Isagoo Ugu Baaqay Inay Soo Dalbadaan.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 06-May-2013

article-2222024-15A5D025000005DC-920_634x386

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Shakhtar Donetsk Fernandinho ayaa albaabada u furay Manchester City xagaagan, inkastoo ay xiiseynayaan kooxo kale oo ka dhisan Yurub, waxaana uu ugu baaqay kooxdiisa inay hoos u dhigaan qiimaha ay dulsaareen.

Xiddiga reer Brazil ayaa waxaa si aad ah u xiiseynaya Roberto Mancini laakiin tababaraha City ayaa niyadjabay markii tababaraha kooxda reer Ukraine Mircea Lucescu uu sheegay isbuucii hore inaysan ku fasixi doonin wax ka yar lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 42.5 milyan ginni.

Fernandinho oo 28 jir ah ayaa shan kulan u saftay xulkiisa Brazil, waxaana ka dib 8 sannadood uu joogay Donetsk uu doonayaa inuu ka tago oo uu raadsado koox u fududeyn karta inuu ka qeybgalo koobka adduunka ee ka dhacaya dalkiisa Brazil 2014.

Waxa uu xitaa sheegay in ciyaartoyda wadankiisa inay ku tuugayaan inuu u dhaqaaqo City:

“Waxa ay dhamaantood ii rajeynayaan inaan ka tago kooxda” ayuu yiri Fernandinho.

“Waa ay ogyihiin in Premier League uu yahay horyaal weyn islamarkaana Man City ay tahay koox weyn, sidaasi darteed waxa ay dhamaantood ii rajeynayaan inaan ka ciyaaro halkaas islamarkaana ka qeybqaato horyaalka.

“Waxaan aaminsanahay in fursadeyda aan u heysto inaan ka qeybgalo koobka adduunka inuu sarre u kici doonto hadii aan ku biiro City. Xitaa muuqaalkeyga ayaa soo hagaagi doona sababtoo ah Brazil lagama jecla kubada horyaalka Ukraine. Waxa aan halkaan ku sameyno lagama aqoonsana wadankeyga.

“Sidaasi darteed inaan ka ciyaaro horyaal ama koox ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka islamarkaana aan si fiican u ciyaaro taas waxa ay iga caawin doontaa inaan ku laabto xulka qaranka Brazil.”

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.