Home » Horyaalada » England » Daily Star: Borussia Dortmund Waxa Ay Si Aad Ah U Dooneysaa In Robert Lewandowski Uu Ku Biiro Chelsea.

Daily Star: Borussia Dortmund Waxa Ay Si Aad Ah U Dooneysaa In Robert Lewandowski Uu Ku Biiro Chelsea.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 06-May-2013

996745-16199839-640-360

Borussia Dortmund ayaa si aad ah u dooneysa in weeraryahankooda Robert Lewandowski uu ku biiro Chelsea, sidaasi waxaa sheeganeysa jariirada Daily Star.

Hadii xiddiga reer Poland ee afarta gool ka dhaliyay dhawaan real Madrid ay tahayba inuu kooxda ka tago, Dortmund ayaan dooneynin wax walba oo dhaca inuu ku biiro kooxda ay xafiiltamaan ee Bayern Munich.

Bayern ayaa durababa xaqiijisatay saxiixa xiddigii Dortmund Mario Gotze kaasoo ku biiri doona xagaaga, waxaana ay doonayaan wax walba oo awoodooda ah inay ka hortagaan in xiddig labaad uu ka aado Munich.

Laakiin waxaa jirta sabab kale oo dheeri ah oo Dortmund ay u dooneyso in Chelsea ay noqoto kooxda la wareegta ciyaaryahanka marka loo fiiriyo kooxaha kale ee xiiseynaya sida Manchester United, waxaana ay tahay in kooxda Jarmalka ay dooneyso inay heshiiska ku kor hesho ciyaaryahanka khadka dhexe Kevin de Bruyne.

De Bruyne ayaa wacdarro ka dhigaya Bundesliga isagoo amaah kaga soo maqan Chelsea una ciyaaraya kooxda Werder Bremen, waxaana la isla dhexmarayaa inay macquul tahay in 21 jirkaan uu ka tago Stamford Bridge isagoo aan marna ku ciyaarin.

Heshiiska Lewandowski ayaa sidoo kale ay Daily Star sheeganeysaa inuu macquul yahay inuu dhaqo hadii Jose Mourinho uu si rasmi ah ugu laabto Blues kaasoo doonaya inuu gacanta ku dhigo weeraryahanka reer Poland.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.