Home » Horyaalada » England » Andre Schurrle Oo Hal Talaabo Kaliya U Jira Inuu Ku Biiro Chelsea.

Andre Schurrle Oo Hal Talaabo Kaliya U Jira Inuu Ku Biiro Chelsea.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 06-May-2013

Schurrle

Qorshaha uu Andre Schurrle ugu wareegayo Chelsea ayaa hal talaabo kale u sii dhawaatay inay rasmi noqoto ka dib markii agaasimaha guud ee kooxda Bayer Leverkusen Wolfgang Holzhauser uu shaaca ka qaaday inuu ka shakisan yahay inuu ciyaaryahanka durbaba heshiis shaqsi ah la galay kooxda ka dhisan Premier League.

Leverkusen ayaa heshay dalab lacageed oo ku aadan heshiiska xiddiga Jarmalka, laakiin waxa ay mashquul ku yihiin inay heshiiska ku helaan ciyaaryahan kale oo Chelsea ay qeyb kaga dhigto saxiixiisa.

Weeraryahanka Schurrle oo 22 jir ah ayaa ilaa iyo haatan diiday inuu ka hadlo wararkaan la isla dhexmarayo isagoo sheegtay kaliya inuu ka xun yahay in xagaagii hore lagu guuldareystay inuu dhaco heshiiskii uu ugu wareegi lahaa Chelsea.

“Andre Schurrle waxaa laga yaabaaba inuu heshiis hordhac ah la sii galay Chelsea” ayuu agaasimaha guud ee Bayer Leverkusen Holzhauser u sheegay majalada Kicker.

“Waxa ay dhamaan ku xiran tahay hadii aan dooneyno inaan fasaxno. Waxaan helnay dalab rasmi ah oo aan ka fiirsaneyno. Laakiin qiimaha kaliya muhim ma ahan. Waa inaan sidoo kale heshiiska ku darsanaa wadooyin kale, taasoo aan haatan gacanta ku heynin.”

Mid ka mid ah wadooyinka kale ee Bayer ay dooneyso ayaa ah inay hesho ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Kevin de Bruyne, kaasoo ay isha qabatay ka dib amaahdii uu xilli ciyaareedkan ugu ciyaarayay Werder Bremen.

Borussia Dortmund ayaa ka mid ah kooxaha sidoo kale doonaya Kevin de Bruyne kaasoo aan Chelsea u ciyaarin tan iyo intii ay soo iibsatay, iyadoo maanta lagu waramayay in Dortmund ay dooneyso inay Chelsea ka iibiso Lewandowski si ay helaan da’ yarkaan khadka dhexe.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.