Home » Horyaalada » Holland » Ajax Oo Ku Guuleysatay Markii 3aad Oo Isku Xigta Horyaalka Holland Ka Dib 5-0 Ay Ku Xaaqeen Tilburg.

Ajax Oo Ku Guuleysatay Markii 3aad Oo Isku Xigta Horyaalka Holland Ka Dib 5-0 Ay Ku Xaaqeen Tilburg.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 05-May-2013

1003222-16278751-640-360

Ajax ayaa ku guuleysatay horyaalkoodii 32aad ee Holland ka dib markii ay 5-0 garoonkooda kaga badiyeen kooxda Willem II Tilburg.

Iyadoo hal kulan uu horyaalka ka dhiman yahay Ajax ayaa leh 73 dhibcood iyagoo afar dhibcood ka sareeya PSV kuwaasoo ku jira booska looga soo baxayo Champions League ka dib markii ay 4-2 kaga badiyeen NEC Nijmegen.

Tilburg ayaa ka dhacday horyaalka heerka koowaad ka dib guuldaradoodii 21aad.

Ajax waxaa goolasha u furay Sigthorsson ka dib daqiiqadii 12aad isagoo si fiican madax ugu dhaliyay karoos uu soo qaaday Ryan Babel.

Qalad uu sameeyay goolhayaha Tilburg David Meul ayaana u ogolatay in kubad dheer uu soo tuuray Eriksen ay ka baxsato, taasoo keentay in Ajax ay hogaanka dheereysato.

Viktor Fischer, Siem de Jong iyo Danny Hoesen ayaa shabaqa iyagana soo taabtay qeybtii labaad, iyadoo Ajax ay xaqiijisatay horyaalkoodii seddexaad ee isku xiga oo ay garoonkooda oo ay soo xaadirtay 50 kun taageerayaal ah kula dabaaldegeen.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.