Bayern Munich Iyo Dortmund Oo Dhibcaha Kala Qeybsaday Kulan Hordhac U Ahaa Finalka Champions League. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Germany » Bayern Munich Iyo Dortmund Oo Dhibcaha Kala Qeybsaday Kulan Hordhac U Ahaa Finalka Champions League.

Bayern Munich Iyo Dortmund Oo Dhibcaha Kala Qeybsaday Kulan Hordhac U Ahaa Finalka Champions League.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 04-May-2013

277272hp2

Kooxaha Borussia Dortmund iyo Bayern Munich ayaa dhibcaha kala qeybsaday kulan hordhac u ahaa finalka Champions League oo labadan kooxood ay isku arkayaan, iyagoo kulankii horyaalka ee maanta ku kala baxay barbaro 1-1 ah.

Dortmund ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 11aad markii Scheiber uu karoos keenay iyadoo Gorsskreutz uu shabaqa ku taabtay kubada.

Laakiin Bayern Munich ayaa ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 23aad markii Mario Gomez uu kubad madax ah oo cajiib ah ugu barbareeyay.

Robert Lewandowski ayaana rigoore loo dhigay kooxdiisa ka qasaariyay markii ciyaarta ay socotay saacad, iyadoo Bayern Munich ay muddo 30 daqiiqo ah ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan markii Rafinho uu qaatay labo jaale.

Iyadoo Bayern Munich ay xilli hore sii xaqiijisatay hanashada horyaalka Bundesliga, hadana dhibicdaan waa ay ugu filan tahay Dortmund inay xaqiijistaan booskooda kaalinta labaad.

Labada kooxood ayaana filanaya natiijo tan ka fiican marka ay isku wajahaan finalka Champions League 25ka bisha May ee ka dhacaya Wembley.