Home » Champions League » Jurgen Klopp Oo Sheegay In Mario Gotze Uu Ka Maqnaanayo Finalka Champions League

Jurgen Klopp Oo Sheegay In Mario Gotze Uu Ka Maqnaanayo Finalka Champions League

Waxaa Qoray:

Taariikh: 03-May-2013

mario_1479042aTababaraha kooxda Borussia Dortmund Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga kooxda ka sii socda ee Mario Gotze uu ka maqnaanayo finalka Champions League ee ay lala yihiin kooxda Bayern Munich .

” Kulankii Real saameyn ayuu ku reebay laacibka , waxa uu ka sheeganayaa xanuun dhanka muruqa ah , waana adag tahay in kulanka Finalka ee Munich la leenahay uu safto” ayuu yiri macalin Klopp.

Klopp ayaa intaas sii raaciyay ” runtii warkaan ma aha mid lagu farxo balse waxaan haysanaa qibrad aan kula tacaamuli karno arintaan oo kale”.

Mar uu ka hadlayay kulanka horyaalka Jarmalka ee sabtida lala leeyihiin Bayern Munich ayuu Klopp ka yiri ” waa kulan adag , ma garanayo in Munich kulankaas u ciyaarayaan sidii wel wel noogu abuuri lahaayen ka hor kulanka finalka Champion-ka”.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.