Home » Horyaalada » France » Carlo Ancelotti: Waa Adkaan Doontaa In La Iska Diido Shaqada Real Madrid.

Carlo Ancelotti: Waa Adkaan Doontaa In La Iska Diido Shaqada Real Madrid.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 03-May-2013

273723hp2

Carlo Ancelotti ayaa qirtay inay adkaan doonto inuu iska diido Real Madrid hadii kooxda reer Spain ay u soo dhawaato xagaagan, laakiin waxa uu intaas ku daray inuu ku faraxsan yahay nolosha PSG.

Tababaraha Talyaaniga ayaa si joogta ah loola xiriirinayaa inuu Jose Mourinho ka bedeli doono Los Blancos, kaasoo la filayo inuu ka tago Madrid oo uu ku laabto Chelsea dhamaadka xulli ciyaareedkan, waxaana 53 jirkaan uu sheegay inuu xilli sii horeysay u dhawaaday inuu qabto shaqada Madrid.

“Waa ay adkaan doontaa in la iska diido Madrid” ayuu Ancelotti u sheegay Sky.

“Ma aqaano hadii mustaqbalkeyga uu yaalo Real Madrid. Waxaa jirtay xilli la soo dhaafay oo aan u dhawaa inaan ku biiro Real Madrid, laakiin ugu danbeyntii waxaan ku biiray Chelsea.

“Cidna ma oga waxa dhici doona mustaqbalka, laakiin waan ku faraxsanahay PSG, waxaana halkaan joogi karaa waqti dheer. Waan ku riyaaqayaa nolosheyda Paris. Waxaan doonayaa inaan ku guuleysto Ligue 1 oo aan u dabaaldego horyaalka.”

Ancelotti ayaa ku biiray PSG December 2011 waxaana uu ku hogaamiyay xilli ciyaareedkan wareega 8da Champions League, halka ay sidoo kale qarka u saaran yihiin horyaalkoodii ugu horeysay ee tan 1994tii.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.