Home » Horyaalada » France » Zlatan Ibrahimovic : Waxaan Doonayaa In Aan Ka Huleelo Kooxda PSG.

Zlatan Ibrahimovic : Waxaan Doonayaa In Aan Ka Huleelo Kooxda PSG.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 02-May-2013

274750hp2Bogga CalcioMercato ee dalka Talyaaniga ayaa daboolka ka qaaday in Zlatan Ibrahimovic uu ku war giliyay mas`uuliyiinta PSG in uu doonayo in uu ka huleelo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Ibrahimovic ayaa haatan la tilmaamayaa in uu u dhaw yaahy in ku soo laabto kooxda Juventus oo uu ka tagay xagaagii 2006-da iyadoo laacibka qudhiisa laga hayo in uu yiri wax lagu farxo ayay ii tahay in kooxda horyaalka Talayaniga ay xiiseyneyso isaga oo amaanay mashruuc dib u habayenta ee kooxda Juve waddo .

Sababaha ugu weyn ee laacibka ku qasbeysa in PSG ka tago ayaa lagu sheegay awoodda horyaalkaas oo yar iyo luqadda oo uu ku jahwareeray isaga oo awood u yeelan waayay in mujtamaca faransiiska la qabsado .

Bogga Calcio Mercato ayaa intaa ku daraya in zlatan ibrahimovic ku war giliyay maamulka in marka horyaalka qaadaan in uu ka tagayo iyadoo arintaan weli toos looga hayn laacibka iyo kooxda marka laga soo tago warar boggaan tilmaamay in ilo lagu kalsoon yahay uu ka helay .