Home » Latin America » Neymar Oo Diiday In Hishiis Cusub Uu U Saxiixo Santos, Barcelona Ayaa U Dhaw.

Neymar Oo Diiday In Hishiis Cusub Uu U Saxiixo Santos, Barcelona Ayaa U Dhaw.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 28-April-2013

messi-neymar490ai_2

Ku xigeenka madaxa kooxda Santos ee Brazil Odilio Rodriguez ayaa daboolka ka qaaday in weeraryahanka kooxda ee Neymar uu diyaar u yahay in uu aado horyaalada Yurub ka dib markii uu diiday in hishiis cusub kooxda uu u saxiixo .

Hishiiska Neymar ayaa dhamaanaya xagaaga 2014-ka balse maamulka Santos ayaa ku dhagan in laacibkaan kooxda ku sii hayaan illaa iyo dhamaadka koobka aduunka ee 2014-ka lagu qabanayo dalka Brazil.

Waxa uu ku xigeenka madaxa Santos Odilio Rodriguez qiray in Neymar ku war giliyay maamulka kooxda go`aankaas ” waxa uu Neymar nagu war giliyay in hishiiska uu u cusbooneysiineyn kooxda , ayna u arkaan in uu soo dhawaaday waqtigii Neymar uu ka tagi lahaa horyaalka Brazil gaar ahaan Santos”.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in weeraryahankaan 21-sano jirka ah uu ku biirayo kooxda Barcelona xagaaga dambe inkastoo ay jiraan dalabyo waa weyn oo isla horyaalada yurub ah oo uu helayo laacibkaas.