Home » Horyaalada » England » Ururuka Kubadda Cagta Uruguay :Ganaaxa Suarez Waa Mid Lagu Caburinayo laacibka.

Ururuka Kubadda Cagta Uruguay :Ganaaxa Suarez Waa Mid Lagu Caburinayo laacibka.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 25-April-2013

ivanovicXog hayaha guud ee ururka kubada cagta dalka Uruguay ayaa ku tilmaamay ganaaxa 10-kulan ee FA-ga ingiriiska ku rideen Saurez ee gaaraya 10–ka kulan in uu yahay mid laacibka lagu caburinayo .

” Waxaan aamisnaahay in ciqaabta ay ka muuqaneyso caburin uu laacibka kala kulmayo horyaalka Ingiriiska” ayuu yiri sarkaalkaas ka tirsan ururka kubadda cagta Uruguay .

Mar uu ka hadlay arinta uu ku kacay Luis Suarez ee qaniinyada ayuu yiri xog hayaha guud ee ururuka kubadda cagta Uruguay ” shaki la`aan ganaax ayuu mudan yahay balse in 10-kulan la ganaaxo waa sedex jibaar ciqaabta FA-ga ay ku ridaan ciyaartooyda”.

Waxa uu sarkaalkaan cadeeyay in ganaxaas dhanka kale uu laacibka ku yeelaneyso saameyn aan toos aheyn oo ku aadan qaranka dalkiisa.

Luis Suarez oo aysan u aheyn markii ugu horeysay oo uu qaniinyadaan oo kale sameeyo ayaa ka dib dhacdadaas waxa uu u cudur daartay daafaca kooxda Chelsea ee Ivanovic

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.