Home » Africa » Prince Boateng Oo U Dhaw In Dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan Ku Biiro Kooxda Man City.

Prince Boateng Oo U Dhaw In Dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan Ku Biiro Kooxda Man City.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 19-April-2013

554219_10151529606200962_23359698_nIlo wareedyo ay qorayaan wargeysyada Ingiriiska ayaa sheegaya in ay socdaan wadahadalo u dhaxeeya mas`uuliyiinta kooxda Man City iyo wakiilka laacibka Milan ee qadka dhexe kubadda ka qaabeeya ee Kevin-Prince Boateng .

Waxa ay ilo wareedyadaas xaqiijinayaan in laacibkaan reer Ghana uu qorsheynayo in uu ka huleelo kooxda AC Milan dhamaadka xilli ciyaareedkaan .

Kevin-Prince Boateng ayaa la xusayaa in uusan raali ka aheyn in hishiis cusub u saxiixo kooxdaas Milan halka mas`uuliyiinta kooxdaas ay doonayaan in hishiis cusub siiyaan ,waxaana lagu eedeeyay Kevin-Prince Boateng in uu ka meer meerayo arintaas.

Hishiiska Kevin-Prince Boateng ee Milan ayaa dhamanaaya xagaaga 2014-ka , waxaana laacibkaan doonaya kooxo dhowr ah oo ay ku jirto Bayern Munich balse City ayaa laga yaabaa in ay ku guuleystaan saxiixiisa.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.