Home » Horyaalada » England » Ajax Oo Sheegtay Inuusan Weli Dhicin Heshiis Ay Christian Eriksen Uga Iibinayaan Kooxda Liverpool.

Ajax Oo Sheegtay Inuusan Weli Dhicin Heshiis Ay Christian Eriksen Uga Iibinayaan Kooxda Liverpool.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 18-April-2013

article-2311001-1928DFB4000005DC-632_634x423

Ajax ayaa u muuqata inuu ka tagi doono xiddigooda khadka dhexe Christian Eriksen xagaagan, laakiin waxa ay sheegeen inuusan jirin wax heshiis ah oo la galeen Liverpool oo ay kaga iibinayaan xiddigooda.

Tababaraha Reds Brendan Rodgers ayaa lala xiriiriyay xiddiga reer Denmark, oo ka mid ah da’ yarta soo koreysa ee mustaqbalka weyn ka leh kubada cagta, waxaana qandaraaskiisa uga haray in ka badan hal sanno.

Si kastaba, kooxda reer Holland ayaa sheegtay in 21 jirkaan mustaqbalkiisa inaan weli la xalinin.

“Saxaafada ayaan warbixin u diri doonaa marka uu dhaco heshiis, kaliya kooxda Ajax iyo kooxda iibsatay ayaana soo saari doona” ayuu madaxa warfaafinta AJax Eefje Schep u sheegay Danish TV2.

“Sidaasi darteed waqtigaan la joogo ma jiro heshiis dhexmaray Ajax iyo Liverpool.

“Haddii aan wada xaajooneyno iyo hadii kale, kama hadalno wararka xanta suuqa.”

Ajax ayaa isku dayday inay ka dhaadhiciso Eriksen kaasoo akadeemiga kooxda ku soo biiray isagoo 16 jir ah inuu qandaraaska u kordhiyo, laakiin iyo haatan waa ay ku guuldareysteen.

“Christian waxa uu inagu wargeliyay inuusan heshiis cusub inoo saxiixi doonin waqti xaadirkaan” ayuu agaasimaha farsamada Ajax Marc Overmars u sheegay Voetbal International.

“Waxaan qabaa in isaga iyo wakiilkiisa ay doonayaan inay arkaan fursadaha u banaan xagaaga.”

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.