Home » Horyaalada » Holland » Wiilka Van Der Sar Ayaa Ku Biiraya Akadeemiga Ajax Isagoo Qaadaya Talaabadii Aabihiis.

Wiilka Van Der Sar Ayaa Ku Biiraya Akadeemiga Ajax Isagoo Qaadaya Talaabadii Aabihiis.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 11-April-2013

article-2307328-193C2849000005DC-619_468x286

Wiilka Edwin van der Sar ayaa ku biiraya akadeemiga caanka ah ee Ajax laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, isagoo qaadaya talaabooyinkii aabihiis.

Goolhaye Joe ayaa hore tababar u la qaatay Manchester United laakiin waxa uu ku laabtay Holland markii Van der Sar uu ciyaaraha ka fariistay 2011.

Edwin van der Sar oo Champions League iyo Premier League la qaaday Manchester United sidoo kale horyaalka Holland kula guuleystay Ajax mustaqbal ciyaareed oo weyn oo soo maray, ayaa haatan Ajax uga shaqeeya agaasimaha suuqgeynta tan iyo bishii November.

article-2307328-193C283D000005DC-800_468x333

Waxaana haatan wiilkiisa uu bilaabay inuu ku soo celiyo wadadii aabihiis uu ku noqday halyeey. Iyadoo goolhayaha ka fariistay ciyaaraha uusan dooneynin inuu wiilkiisa cadaadis badan saaro.

“Haa, waxa uu aadi doonaa Ajax” ayuu 42 jirka Van der Sar u sheegay jariirada Holland ka soo baxda ee De Telegraaf.

“Inta ka soo hartay ma doonayo inaan wax ka iraahdo. Joe dabcan waxaa uu wajihi doonaa waqti adag madaama uu magaceyga wato.”