Home » Africa » Croatia Oo Kaalinta 4aad Soo Gashay, Brazil Oo Hoos U Sii Socota & Somalia Oo Hal Boos Kor U Soo Kacday, Qiimeynta Bilaha Fifa.

Croatia Oo Kaalinta 4aad Soo Gashay, Brazil Oo Hoos U Sii Socota & Somalia Oo Hal Boos Kor U Soo Kacday, Qiimeynta Bilaha Fifa.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 11-April-2013

265790hp2

Croatia ayaa u soo kacday kaalinta 4aad ee kala sareynta xulalka adduunka ee qiimenyta bilaha FIFA, halka xulka Spain ay weli ku jiraan kaalinta 1aad ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka kaalinta 18aad ku jira ee France inkastoo barbaro 1-1 ahna ay kala kulmeen Finland.

England ayaa u dhacday kaalinta 7aad ka dib markii barbaro la galeen Montenegro, halka Portugal u kacday kaalinta 5aad iyagoo labo boos kor u kacay ka dib guushoodii iyo barbarahoodii bishii March.

Argentina iyo Germany ayaa iyagana weli ku kala dhegan kaalinta labaad iyo seddexaad, halka Colombia ay fadhiso kaalinta lixaad inkastoo guuldarro ay ka soo gaartay Venezuela isreebreebka koobka adduunka.

Italy ayaa seddex boos hoos u dhacday iyagoo ku jira kaalinta 8aad, Netherland ayaa iyadana hal boos u dhacday oo ku jirta kaalinta 9aad.

Ecuador ayaana buuxineysa 10ka xul ee adduunka ugu sareeya, iyadoo kaalinta 11aad ay ku jirta Russia halka xulka Africa ugu sareeya ee Ivory Coast ay soo galeen kaalinta 12aad.

Brazil ayaa hoos u sii socota waxaana hoos u dhaceen hal boos iyagoo ku jira kaalinta 19aad, waxaana ka hooseeyaan France oo ku jirta kaalinta 18aad.

Xulka dalkeena Soomaliya ayaa hal boos kor u soo kacay iyagoo ku jira kaalinta 202aad, halka Jabuuti ay ku jirto kaalinta 204aad.

Ethiopia ayaa u sareysa xulalka geeska Afrika iyagoo shan boos kor u soo kacay waxaana ay ku jiraan kaalinta 107aad, Tanzania waxa ay ku jirtaa kaalinta 116aad, halka Kenya ay ku jirto kaalinta 122aad.

10ka Xul Ee Adduunka Ugu Sareeya:

1 Spain

2 Germany

3 Argentina

4 Croatia

5 Portugal

6 Colombia

7 England

8 Italy

9 Netherlands

10 Ecuador

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.