Home » Africa » Yaya Toure Oo Si Rasmi Ah Qalinka Ugu Duugay Heshiis Afar Sanno Uu Ku Sii Joogayo Man City.

Yaya Toure Oo Si Rasmi Ah Qalinka Ugu Duugay Heshiis Afar Sanno Uu Ku Sii Joogayo Man City.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 04-April-2013

Yaya vid pic

Kooxda Manchester City ayaa ku dhawaaqday in Yaya Toure uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo afar sanno ah oo uu ku sii joogayo kooxda ka dhisan Etihad Stadium.

Waxaana heshiiskaan cusub uu ciyaaryahanka sannadka Afrika ku sii heynayaa Etihad Stadium ilaa 2017, isagoo qalinka ku duugay galabta.

Toure oo 30 jir noqon doona bisha May ayaa muhim weyn u ahaa kooxda Manchester City tan iyo intii uu kaga soo biiray Barcelona, isagoo qeyb libaax leh ka qaatay hanashadoodii FA Cup iyo Premier League.

Toure ayaa dhaawaanahan lagu soo waramayay inuu doonayay in heshiiska loo kordhiyo hadii kalena uu raadsanayo koox kale, waxaana City ay haatan ka dhabeysay riyadiisa, isagoo ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan Ingariiska.

Yaya Toure ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiiska afarta sanno ku qaadan doono lacag ku dhow 45 milyan ginni, taasoo ka dhigan inuu sannadkii mushahar ahaan u qaadan doono 11 milyan ginni.